Saturday 27 July 2013

Daawo sawirada Ciidamada Turkiga oo u gurmaday Xarun ay Muqdisho ku lahaayeen oo la weeraray


Ciidamada Turkiga ee ilaalada ka ah Safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa si deg deg ugu gurmaday dhismaha ay degenaayeen Shaqaalaha Safaarada, kadib markii weerar ismiidaamin ah galabta lagu qaaday.

Weerarkan oo ay sheegatay Al-Shabaab ayaa ahaa kii u horeeyay noociisa oo dhismo ay degenaayeen Shaqaale Turki lagu qaado, markii gaari waxyaabaha qarxa ku rarnaa lagu dhiftay afaafka hore ee dhismaha oo ku yaala degmada Hodan.

Al-Shabaab ayaa war ay soo dhigeen barta Twitter ay ku sheegeen inay ku dileen ilaa lix ka tirsan Turkiga iyo dhaawac tobaneeyo kale, iyagoo sheegay in Turkiga xulufo la yihiin Mareykanka.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay bur bur aad u baaxad leh, gidaarka dhismaha oo bur buray iyo meyd nin jirkiisa go'ay iyo meydka wiil arday ahaa oo dhiganayay Jaamacada Soomaaliya.

Waxaa xarunta laga sii bixinayay dhaawaca shaqaale Turkiga ah oo Ambalaas lagu qaaday, iyadoo ay dhinac socdeen Ilaalada Turkiga iyo shaqaalaha ku jiray guriga.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda iyo Turkiga oo ku aadan weerarkan lagu qaaday dhismaha ay degenaayeen Shaqaalaha Turkiga.

Turkiga ayaa Muqdisho ka howlo sama fal oo aad u balaaran, waxaana uu hirgeliyay goobo waxbarasho iyo Caafimaad, iyadoo dhowaan dib u dayactir lagu sameeyay Isbitaalkii Digfeer oo loo muuqaal ekeysiiyay sida Isbitaalada casriga ah.


















Somali news leader 
www.jowhar.com 
golfyare@gmail.com 
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...