Thursday 25 July 2013

Dagaal Marka Ka socda oo laba qabiil ah

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo qaab beeleed u abaabulan ayaa maanta ku dagaalamay duleedka magaalada Marka, iyadoo ay xiisado ka jirto deegaano u dhaxeeya Marka iyo Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sida ay sheegayaan wararka ilaa saddex askari ayaa ku dhintay oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen, dagaalka oo muddo saacad ka badan ka socday deegaanka Ceel-wareegow.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanka ceel-wareegow oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyo deegaanka ah laga saaray, iyadoo ay u baxeen dhinaca Marka, sida ay sheegeen goob joogayaal.

Xiisad xoogan ayaa laga dareemaya magaalada Marka iyo deegaanada ku dhow dhow, iyadoo ciidamada dowladda ee qaab beeleedka u abaabulan uu u muuqdo dagaalkooda mid ku saleysan maamulka magaalada Marka.

Sidoo kale dagaal ayaa iyana la sheegay inuu maanta ka dhacay deegaanka Janaale, iyadoo si la mid ah halkaas ugu dagaalameen ciidamo qaab beeleed u abaabulan.

Arrimaha ka jira Shabellaha Hoose ayaa la sheegayaa inay salka ku heyso arrimo siyaasadeed iyo arrimo kale oo ku saabsan lahaanshaha dhul deegaanka deegaanada gobolka oo beel ka mid ah beelaha dagaalka ku lugta leh ay ku eedeysay beel ka timid ilaa 1500-KM inay deegaankooda la wareegaan.



Somali news leader
www.jowhar.com
golfyare@gmail.com
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...