Wednesday 31 July 2013

Guddiga qaban-qaabinaya shirka Issimada Puntland oo sheegey in qaban-qabadisa ay marayso heer gebo-gebo ah


Magaaladda lugu wado inuu shirka ka furmo Qardho
Magaaladda lugu wado inuu shirka ka furmo Qardho
Qardho[RBC Radio]Magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar Puntland waxaa lugu wada dhawaan inuu ka furmo shir ay yeelanayaan Issimada Puntland,shirkaas ayaa xiligaan la sheegey inuu heer gebo-gebo ah marayso qaban-qabadisa.
Maal mihii anuu soo dhafney waxaa shirar Qardho ku yeelanayey guddiyada loo xir-saaray shirka Issimada iyagoona ka doodayey habka uu u qabsomi karo shirka iyo nooca shirka uu noqon doono.
Guddiga shirka qaban-qaabinaya ayaa maantey shir ay ku yeeshen Hotel Alla-Aamin ee Qardho waxaa ay ka soo saaren war-murtiyeed ay uga hadlayaan halka ay wax umarayaan,waxana ay ku faah faahiyen wax yaabihi uga qabsoomeyey shirarkii ay yeelanayen,waxana ay tilmaamen inuu si wanagsan ku soo dhamaadey kulamadooda ay kaga arrinsanayeen nooca shirka uu noqon doono iyo qaban-qaabadisa guud.
Sidoo kale waxaa shirkooda guddiga ay ku qeybiyeen war-murtiyeed ka soo baxay guddiyada shirka abaabulaya, iyadoo war-bixintaas dadweynaha iyo bulshada qeybeheeda loo qeybiyey ay ku qornaayeen dhaliilaha wakhtigan ka jira Puntland.
Afhayeenka Guddiga qaban-qaabada shirka Issimada Puntland Mustafe Siciid “Shabac” ayaa saxaafada kula hadley guddaha Hotelka waxana uu si durugsan uga hadley wax yaalaha lugu wado inay isla soo qadaan Issimada Puntland inta uu shirkooda Qardho socdo.
…”"”Issimadu waxay ka arrinsanayaan aayaha Puntland waxana ay isla soo qadi doonan sidii loogu shaqen laha horumarka dalka iyo deegaanka..”"ayuu yiri afhayeenka Guddiga qaban-qaabada shirka Issimada Puntland.
Issimada Puntland
Issimada Puntland
Mustafe Siciid “Shabac” afhayeenka Guddiga qaban-qaabada shirka Issimada Puntland ayaa sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey in issimadu ay ka shiri doonaan horumar la’aanta ka jira Puntland taaso uu sheegey in hoosu dhac laga dareemayo adeegyada horumarineed ee horey ujirey.
…”"”Issimadu waxaa ay kalo ka hadli doonan horumar la’aanta ka jira Puntland taaso saamen ku yeelatey adeegyada horumarineed ee Puntland ka jirey,waxana laga arrinsan doona sidi loo kabcinkaro horumarka Puntland…”"”ayuu ku sheegey hadalkiisa.
Shirakaan guddiga loo xilsarey qaban-qabadisa ay sheegen inuu heerkisa ugu danbeyey marayo ayaa horey Wasaarada arrimaha gudaha ee Puntland oo ka hadashey waxay tilmaamtey in aysan waxba kala socon shirka kaasi ka dhacaya xaruunta gobolka Karkaar.
Si kasto ay ahaataba tan iyo bishii hore ayaa abaabulka shirkaasi wuxuu ka socday magaalada Qardho iyadoona xiligaan la sheegey in furitankiisu uu soo dhawyahay.

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...