Sunday 28 July 2013

Maamulka Jubbaland oo Kismaayo kusoo bandhigey 150 askari oo boolis ah [Sawirro]


1
Kismaayo [RBC Radio] Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose waxaa maanta tababar loogu soo xiray 150 askari oo boolis ah, kana tirsan ciidamada maamulka Jubbaland.
Ciidamada maantey ay soo bandhigeen maamulka Jubbaland ee saldhiggisu yahay Kismaayo ayaa la sheegey inay tababar socdeay muddo bil ah ay ku qaaten Kismaayo,waxana tababarkoodu uu quseyey sidii ay ciidanka u hanan lahaayen ammaanka Kismaayo.
Sarakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee Kismaayo jooga ayaa muddada bisha ah uwadey tababar ciidamada logu talagaley inay xaqiijiyan amniga guud ee magaaladda iyo deegaanada hoostaga.
Xafladda lagu soo xirayay tababarka oo ka dhacday saldhigga degmada Kismaayo waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horeyo madaxweeyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,odayaal, cuqaal iyo marti sharaf kale.
Qeybihii ka soo qeyb galey munaasabada ayaa ciidamada kula dar darmey inay dhexda u xirtaan sidii ay uga soo bixilahaayen masuuliyada saren ee ah inay sugaan amniga magaaladda Kismaayo,waxaa ciidama inta ay munaasabada socotey la gudoonsiiyay astaamo gaar ah oo ay isku aqoonsadaan taaso askari kasto loo xirey.
Qaar ka mid ah odayaashii ka qeyb-galay xafladda ayaa soo dhoweeyay ciidanka, iyagoo ballan-qaaday in ay la shaqeyn doonaan,waxana ay shacabka ku nool Kismaayo ay kula dar darmeen inay ciidamada kala shaqeeyan sugida amniga iyagoona la qeybsanaya xogaha ku aadan amniga soona wargalinaya ciida ay uga shakiyan inuu qorshenayo fal kabaxsan amniga.
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”ayaa isna dhinaciida hadal dar daaran iyo baraarujin ah usoo jeediyey ciidanka waxana uu u sheegey in ciidamadan waajibadka saran maanta wixii laga bilaabo uu yahay sidii ay u xaqiijin lahaayen amniga Kismaayo,ayna ilaaliyaan hantida shacabka.
“Waxaad tihiin ciidanki ugu horeyey ee boolis ah kuwaaso ka howlgalla Kismaayo,waxaa la idin kaga fadhiyaa maantey wixii laga bilaabo inad naqotaan kuwo suga amniga ilaaliyaana hantida shacabka”ayuu yiri Fartaag.
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag” ayaa ciidamada u xirey astaamo logu tala galey inay isku aqoonsadaan markii ay socdaan howlgalada.
Waxana ugu danbeenti madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland u sheegey ciidamada in laga bilaabo maanta ay si joogto ah uga howlgalaan magaaladda Kismaayo islamarkaana ay ka hortagaan cidii carqalad ku ah ammaanka.
Maamulka Jubbaland ayaa horey warbaahinta ugu sheegey inay wadaan qorshe ciidamo boolis ah ay ugu howgalin lahaayen gudaha magaaladda,waxana ay tani noqoneysa in maamulku uu hirgaliyey ciidamo boolis ah taaso qeybaha bulshada ee ku nool Kismaayo ay soo dhaweyeen.
8
9
10
3
2
6
11
1
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...