Sunday 21 July 2013

Madaxweyne Xasan SH: Goobaha ay alshabaab gacanta ku hayaan Isbaaro lama dhigto, Gabdhahane laguma kufsado (Warbixin+Sawirro)



Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

madaxweynha xooggaMuqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa hadalkii ugu kululaa abid u jeediyey saraakiisha hogaamiya ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya,Madaxweyne Xasan SH oo shalay booqday Xarunyta taliska Milateriga Soomaaliya ee Villa-Baydhaba ee magaalada Muqdisho ayaa qudbad kulul u jeediyey saraakiishii uu la kulmay.
Madaxweynaha ayaa inta badan qudbadiisa diirada ku saaray dhaqanka aan wanaagsaneen ee ciidamada dowladda Soomaaliya,Madaxweyne Xasan ayaa mar kale ku celiyey in dowladdu aysan aqbali karin in ciidamadu ay shacabka dhibaateeyaan,wuxuuna Xaaraam ku tilmaamay in ciidanku ay Isbaaro dhibtaan.
Madaxweynaha ayaa digniin culus siiyey Saraakiishii uu la kulmay,wuxuuna sheegay inuu dhammaaday xiligii ay maxkamaddu xukumi jirtay askarigii bulshada dhiba ee Isbaaro dhigta,wuxuuna wacad ku maray in Maxkamadda ciidanka la horkeeni doono Saraalka xukuma iyo askariga isla markaane tallaab adag laga qaadi doono.
“Sarkaalkii askariga uu xukumo aan ka celin karin Isbaarada, shaqada iskaga tag oo sheeg inaadan waxba ka qaban karin sidaas ayaad cizi iyo sharaf ku yeelanaysaa,balse Sarkaalne laga yeeli maayo waa askari dhib badan waan ka celin waayey ha ogaado isaga ayaa lagula xisaabtamayaa waxa uu askarigu geysto”ayuu yiri madaxweyne Xasan SH.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kalsoonidii ay shacabku dowladda ku qabeen iney dhimatay taasne ay sabab u tahay dhaqan xumida ay ciidamadu shacabka kula kacaan,”Kalsoonida shacabka waxaan ku kasban karnaa in qof walba uu is xakameeyo akhlaaqdiisane wanaajiyo xitaa marka uu sarkaalku ka maqan yahay in askarigu uu xumaha ka joogsan karo askariga kale ee dhibaatada geysanayane uu ka hor joogasnayo oo uu gacanta ka qabanayo”ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha ayaa daboolka ka qaaday in deegaanada ay alshabaabku maamulaan ay ka amni roon yihiin goobaha ay dowladdu gacanta ku hayso taasoo uu ku tilmaamay ayaan darro”dhulka ay shabaabku joogaan Isbaaro lama dhigto Gabdhahane laguma kufsado mid ay iyagu geystaan mooyee,innagu dad kalane ka celin Meyno annagu dhaafi mayno war aan bahalahan ummadda ka qabano “sidaasi waxaa yiri madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale taabtay musuqmaasuq uu sheegay iney ku kacaan Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in Garaamka ciidamada y jiraan dad musuqmaasuqa”Askariga Buur-hakabo bannaankeeda Jooga ama Mahadaay oo Shabeelaha dhexe ah wabiga agtiisa difaaca uga jira oo ay Kaniicadu cuneyso,Roobka xagaayuhune uu dushiisa ku da’ayo,Rasaasta qorigiisa ku jirtane aysan ku fileen ee cabsanaya ninka garaamkii uu xaqa u lahaa Marduuf Jaad ah ku gatay Ilaah baad idinu daarshee maxaan ku tilmaanaa”? ayuu isweydiiyey Madaxweynuhu.
Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa ugu danbeyntii ballan qaaday in Mushaharka ciidanku uu joogto noqon doono oo aysan dhici doonin Mishahar la waayo balse waxa uu qiray inuu yar yahay,wuxuuna ugu baaqay dhammaan saraakiisha iney fuliyaan awaamiirta uu faray,isagoona ku celceliyey in dowladnimo aysan jireen hadii aan shacabka askaru dhibaatada ka deyn,wuxuuna tusaale usoo qaatay dowladdii Milateriga Soomaaliya oo uu sheegay in Cudud ahaan ay dalal badan oo dunida ah ka baqi jireen balse markii ay shacabku ka furteen taageeradiina kala laabteen ay gaartay inTuutihii ay ciidamadu tuuraan,wuxuuna sheegay inuusan jirin wax diidaya iney iyagune tuutaha tuuraan hadii aysan dadka taageeradooda iyo Kalsoonidooda kasban.
saraakiisha xoogga


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...