Sunday 4 August 2013

Deg Deg: Xildhibaanka Muslimka Ah Ee Golaha Congresska Mareekanka Oo Si Kal iyo Laab ah U Taageray Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Abdi Warsame



Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin



Warsame-Ellison3Minneapolis : Musharaxa Golaha Degaanka ee Magaalada Minneapolis, Mudane Abdi Warsame ayaa casuumad rasmi ka helay xafiiska xildhibaanka qudha oo Muslimka ka ah golaha Congresska dalka Mareekanka, Mudane Keith Ellison. Musharax Abdi Warsame oo ay weheliyeen xubna katirsan ololahiisi ayaa kulan saacado socday la qaatay Xildhiban Keith Ellison iyo qaar katirsan shaqaalayaasha xafiiskiisi.
Keith Ellison ayaa xildhibaan ahaa tan iyo 2007, isagoona lagasoo doorto 5th Congressional District. Mas’uulka ayaa katirsan xisbiga Dimuqraadiga ee magaciisi loosoo gaabiyo DFL islamarkaan kamid ah ma’uuliyiinta ugu tunka waawayn xisbigaasi. Mudane Ellison ayaa ah shaqsigii ugu horeeyey Muslim ee ku biira aqalka sharci dejinta ee Congresska, islamarkaana ah shaqsigii ugu horeeyey madow ah oo lagasoo doorto guud ahaan gobolka Minnesota.
Kulankaan oo ahaa mid albaabadu u xiran ayay labada kooxood oo ay kala hogaaminayaan labada mas’uul ay kaga wada hadleen dhinacyada ay kamid yihiin dhaqaalaha, amniga, guryaha, barnaamijyo la xiriiro shaqa abuuris iyo awood qaybsiga magaalada Minneapolis.
Mudane Keith Ellison ayaa u hambalyeeyey ololaha Abdi Warsame, islamarkaan sheegay in guushiisi ay farxad gaar ah ay u leedahay isaga. “Waxaynu nahay isku xisbi, waxaynu nahay isku mowqif, waxaa ina wada hayo isku caqabado,” ayaa kamid ahaa hadalada Mudane Keith Ellison. “Taageeridaydi waa mid dalab wada shaqayn ah,” ayuu ku daray Mudane Keith Ellison.
Mudane Keith Ellison ayaa sidoo kale u sharaxay hogaamiyayaasha ololaha Abdi Warsame sharci uu isaga qoray oo dhawaan la horgayn doono aqalka Congresska oo lamagac baxay Common Sense Housing Investment Act. Sharcigaan ayaa ah mid ka dhimaaya canshuurta dadka guryaha leh, islamarkaana u faa’idaynaayo dadka kiro dhiibayaasha ah.
Mudane Abdi Warsame ayaa soo dhaweeyey taagerida xafiiska Keith Ellison, qeexayna in taageridiisi ay ahmiyad weyn u leedahay qowmiyada kasoo jeeda Bariga Afrika iyo guud ahaanba shacabweynaha degmada Lixaad ee magaalada Minneapolis. “Waxaa ina dhaqaajiyo baahida shacabka degmada lixaad, waxaa ina dhaqaajiya rajo, waxaa ina dhaqaajiya riyo isbedel doon ah,” ayuu yiri Abdi Warsame oo sharaxaya sababta uu xilkaan isugu taagay.
Kulankaan oo ku dhamaaday isafgarad iyo jawi wanaagsan ayaa waxaa lagu balamay in labada mas’uul ay shir jaraa’id u wada qabtaan saxaafada gobolka Minnesota, in Keith Ellison uu si toos ah ugu ololeeyo mudane Abdi Warsame islamarkaana loo gogol xaaro wada shaqayn joogta ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...