Saturday 24 August 2013

Ethiopia oo ku dhawaaqday iney la wareegtay Sugidda amniga gobolka Gedo


ethiopianBeled-xaawo{RBC Radio} Ciidamada dowladda Ethiopia ee ku sugan gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku dhawaaqeen iney la wareegeen sugidda amniga gobolkaas shir Jaraa’id oo maanta ay magaalada Beled-xaawo  ku qabteen masuuliyiinta maamulka gobolkaas, culima udiinka ahlu sunna iyo saraakiisha ciidanka Ethiopia ayaa waxaa lagu shaaciyey in xaqiijinta nabadgalyada gobolkaas ay la wareegeen ciidanka Ethiopia.
Sida aan wararka ku heleyno sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Ethiopia oo ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ayaa waxa uu sheegay in ciidankoodu ay si buuxda ula wareegeen xaqiijinta amniga gobolka Gedo,wuxuuna tilmaamay in ciidamada dowladda ee ay iyadu soo tababartay ay kala shaqayn doonaan sugidda amniga.
Saraakiisha ciidanka Ethiopia ayaa sheegay in dhammaan ciidamada dowladda laga saari doono magaalooyinka,waxayna sheegeen in loo diri doono hawlgallo  sida ay hadalka u dhigeen,amniga gudaha degmooyina gobolka Gedo ayaa waxaa si toos ah ula wareegay ciidanka Ethiopia ee ku sugan gobolkaas.
Saraakiisha Ethiopia ee  maanta ka  hadlay magaalada Beled-xaawo ayaa waxa ay maamulka iyo shacabka degmooyinka gobolkaas ugu baaqeen iney keenaan ciidamo madani ah oo ciidankooda kala shaqeeya amniga gudaha magaalooyinka gobolka Gedo.
Tallaabada ay qaadeen saraakiisha ciidamada dalka aan deriska nahay ee Ethiopia ee  ay ku sheegeen iney gabi ahaanba kula wareegeen xaqiijinta amniga gobolka  Gedo ayeysan wax war ah kasoo saarin dowladda federaalka Soomaaliya.




RBC Radio
Xafiiiska Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...