Friday 16 August 2013

Qarax khasaare gestey oo maantey ka dhacay magaaladda Kismaayo

Kismaayo[RBC Radio]Wararka anuu ka heleyno magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaya in halkaasi uu maantey qarax ka dhacay kasoo la sheegey inuu geestey khasaare nafeed.
Qaraxaan ayaa maantey ka dhacay xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo,waxana la sheegey inuu ahaa nooca dhulka lugu aaso kasoo la kacay baabur ay sarnayen dad rayid ah oo midkood ahaa  odayaasha dhaqanka ee magaalada Kismaayo laguna magacaabi jiray Cabdulqaadir Xaaji Axmed.
Gaariga uu la kacay qaraxa ayaa la sheegey inuu ahaa noco Soomaalidu utaqaano Toyota waxana ku geeryoodey oo uu sababey qaraxan dhimashada labo qof oo rayid.
Magaaladda Kismaayo oo maantey qarxa ka dhacay
Magaaladda Kismaayo oo maantey qarxa ka dhacay
Mid ka mid ah dadka ku nool xaafadda Farjanno ee magaaladda Kismaayo oo Raxanreeb.com lahadley ayaa sheegey inuu arkey marka uu qaraxa  dhacay ka dib jirka labo qof oo go’go’ay,waxana uu inta ku darey inay halmar maqleen dhawaqa qaraxa oo gaariga la kacay.
…”"”Waxan maqalney dhawaqa qaraxa oo markiba waxan aragney gaari bur burey oo waxan aragney labo qof oo dhar shacab qabey kuwaaso jir koodu baa ba ay…”"”ayuu yiri gob jooguhu.
Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa markiiba gobta soo garey waxana ay baari taano kasameeyen goobo u dhow halka uu qaraxa ka dhacay,waxana ay sheegen saraakil la hadashey Raxanreeb.com in qaraxa uu ahaa kuwa dhulka lugu aaso.
Illaahadda ma jiro cid si toos ah uga hadashey qaraxan iyo khasaaraha uu geestey,balse waxaa la filaya inuu maamulka Jubbaland ka hadlo qaraxaa.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...