Tuesday 6 August 2013

Somalia - Wararkii maanta


Axmed Madoobe oo ka jawaabay 4 arrin oo la is weydiinayay
  Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaan Axmed Madoobe, kaasi oo dhowaan kusoo laabtay Kismaayo, ayaa maanta halkaasi ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo badan.
Arrimaha Axmed Madoobe uu ka hadlay oo ahaa illaa afar waxaa ka mid ahaa xaaladda Kismaayo, wada hadalka DF, Socdaalkiisii dheeraa iyo dhameystirka maamulka Jubaland.
Waxa uu shaaca ka qaaday qorshooyin uu ku kasabanayo dadka deegaanka, islamarkaana is-faham iyo dib u heshiisiin lagu dhex dhigayo.
Waxa uu soo hadal qaaday socdaalkii muddada qaatay ee uu ku maqnaa, isaga aoo sheegay inuu beesha caalamka kala hadlo sidii Kismaayo iyo Jubaland looga gacan siin lahaa arrimaha gar gaarka.
Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyey in uu wada hadallo lasoo galay dowladda Somalia oo ay isku arkeen Addis-Ababa, ayna isku afgarteen in wada hadalka lasii wado.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay goorta uu soo dhameys tiri doono dhismaha maamulka Jubaland, oo illaa iyo hadda ku kooban un madaxweyne iyo ku xigeenkiisa.
KASHIFAAD: DF Somalia oo Passport Diplomatic siisay Axmed Madoobe
Nairobi(Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan siiyay hoggaamiyaha kooxda Raaskamboobi Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe basaboorka Diplomatic Passport.
Isagoo la hadlaayay barnaamijka Martida Makarafoonka ee ka baxa VOA-da Xoghayaha joogtada ah wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Ambassador Axmed Xaaji Cabdisalaam oo loo yaqaano (Dhabancas) ayuu sheegay in baasaboorka Diplomatic Passport  loo bixiyay si waalan, lana siiyay dad aan dowladda u shaqeen sida xubno ka tirsan Somaliland, Puntland iyo xittaa maamulada ka jirra dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dhawaan siisay baasaboorka Diplomatic Passport Axmed Madoobe oo ka arrimiya magaalada Kismaayo, kaasoo safarro ku tagay magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa.
Dowladda waxa ay baasaboorkan u siiyay siddii wadahadal loola furi lahaa Axmed Madoobe oo diidan in uu dowladda Soomaaliya hoos yimaado.
Dhawaan warbixin ay soo saareen guddiga dabagalka cunaqabateenta  ee Somalia iyo Eritrea waxa ay shegeen in laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda baasaboorada Diplomatic Passport ay siisay shakhsiyaad ay ku jiraan hoggaamiyaal burcad-badeeed.
Dowladda iyo Axmed Madoobe waxa ay shir saxaafadda laga qariyay ku yeesheen dhawaantan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Ilaa hadda ma cadda in kulankaas la isku afgartay iyo in kale, balse dadka ku dhow Axmed Madoobe waxa ay lee yihiin siddii hore ma ahan waayo wuxuu diyaar la yahay inuu dowladda la hadlo.
Somaliland oo sheegtay inaysan aqoonsanayn heshiiska Badda, islamarkaana ka digtay in xadgudbo biyaha Somaliland.
Somaliland waxay sheegtay inaysan aqoonsaneyn heshiis dhanka Badda ah oo dhawaan dowlada Soomaaliyeed ay la gashay shirkad Ajnabi ah oo lagu magacaabo Marine And Offshore Group lagana leeyahay wadanka Holland.
Agaasimaha aaxda Badda Somaliland Aadan Cilmi Ilkacase oo ka hadlay heshiiska dhaxmaray dowlada Somalia iyo shirkadda  Marine And Offshore Group ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowlada Soomaaliya aysan xaq ulaheyn in biyaha Soomaaliya ay heshiis kula gasho shirkado shisheeye.
Waxa uu sheegay  Agaasimahan in heshiiska  ay gashay dowlada Somalia uusan quseyn Somaliland, ayna talaab ka qaadi doonaan cidii ku soo xadgudubta biyaheeda.
Somaliland ma aqoonsana heshiiska Badda ee Dowladda Somalia ay la gashay shirka Marine And Offshore Group, maxaa yeelay xaq uma laha in biyaha Soomaaliya ay heshiis kula gasho shirkado shisheeye ” ayuu yiri Agaasime Ilkacase oo ka digay in lagu soo xadgudbo biyaha Somaliland.
Shirkadan heshiis ay la gashay dowlada Somaliya ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Holland, waxaana Soomaali badan ay isweydiineysaa yaa koontaroolaya shirkadaasi maxayse ilaalineysaa iyadoo la ogyahay in badeenna lagu shubo wasaqda lagana gurto Kheyraadka ku jira.
 Shir ka dhan ah Faroole oo ka dhacaya Qardho iyo siyaasiyiin caan ah oo u heshiiyey Faroole
 Shir ka dhan ah madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Qardho, xilli ay sii kordheyso mucaaradada Faroole, oo shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland ay meel uga soo wada jeesteen.
Shirkan ayaa waxaa qaban qaabadiisa leh madaxweynihii hore ee Puntland General Cadde Muuse iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo isku dayaya in Puntland ay ka bad baadiyaan wax ay ugu yeereen bohosha oo uu Faroole kusii wado.
Cade Muuse Xirsi, waxa uu shaaca ka qaaday in shirkan uu bishan gudaheeda ka dhici doono magaalada Qardho ee Gobolka barri.
Cadde Muuse waxa uu sheegay in Shirkaasi ay isugu imaanayaan Isimada deeganada maamulka Puntland loogana tashanayo arrimaha Puntland oo ay ka mid tahay sidii loo saxi lahaa qaladaadka Maamulka Faroole.
Cadde Muuse, waxa kale oo uu sheegay in jiritaanka Puntland ay halis ku jirto, waxaana sidaasi awgeed uu xusay in looga baahan yahay Isimada inay badbaadiyaan.
Qabaa’ilkii ayaa kala tagay, ammaankii ayaa faraha ka baxay, jidadka la iskuma mari karo, gobollo badan oo Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin ayaa go’ay” ayuu yiri Cadde Muuse.
Madaxweynihii hore Puntland Cade Muuse Xirsi ayaa Faroole ku eedeeyay inuu ku fashilmay siyaasadda Puntland oo uu sheegay in hada ay marayso heer nabadgalyo xumo iyo kala qeybsanaan.
Shacabka Puntland ayaa ku gacan seeray wax ay aaminsan yihiin inay tahay awood maroorsiga Faroole, waxaana si cad u diiday Farooel beelaha Cusmaan iyo Cumar Maxamuud oo ah kuwa ugu miisaanka culus Puntland.
Siyaasiyiinta Puntland ayaa sidoo kale diiday dhaliilaha iyo handadaada joogtada ah ee Faroole uu ku hayo dowladda dhexe ee Somalia, oo ay ugu yeereen isku dayo uu shacabka kaga weecinayo waxa ka dhex socda gudaha Puntland.
Shirka Kampala ee Soomaalida dhexdeeda,Magacyada Xubnaha Madaxweyne Xasan Sheekh kula ballansan yahay Magaalada Kambala
Madaxweyne Xasan oo la kulmaya CC Sharmaarke, Prof. Gaandi iyo Looyaan
  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu magaalada Kampala kula kulmao raggii inta badan sida xooggan ugu lug lahaa dhismaha maamulka Jubbaland ee dowladda Somalia sida aadka ah ay u diiday.
Warkan ku saabsan in madaxweynaha la kulmayo xubnahaas ayaa waxaa laga soo xigtay Yuusuf Garaad Cumar, oo ah suxufi iyo siyaasi si weyn u taageersan Jubaland, kuna dhow oo saaxiib la ah siyaasiyiin ku abtirsada Puntland iyo Jubaland.
War uu soo dhigay blog yar oo uu barta internet-ka ka sameystay si uu ugu baahiyo fikradihisia ayuu Yuusuf Garaad u qoray sidan:-
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wasiirka Madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir ayaan maqlay in ay la kulmayaan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hore u soo noqday Ra’iisal Wasaare, Maxamed Cabdi Gaandi, oo hadda ka hor noqday Wasiirka Difaaca iyo Taliyihii hore ee Booliiska, Cal Maxamed Xasan Looyaan.
Saddexdan mas’uul ee madaxweynaha la kulmaya waxay ka mid ahaayeen ragga garwadeenka ka ahaa shirka Kismaayo ee khilaafka weyni ka dhashay, dad badan oo Soomaali ah lagu dilay, qaar kale lagu dhaawacay, qaarna lagu barakiciyay.
Hore waxaa Addis Ababa ku kulmay, Wasiirka Madaxtooyada, Faarax Cabdulqaadir iyo Madaxwweynaha Jubaland ee lagu doortay shirka Kismaayo, Axmed Maxamed Islaan. Lama shaacin wax ay isla meel dhigeen. Shirkaasi wuxuu la kowsaday dagaal ay dad badani ku dhinteen magaaladana uu gacanta ku wada dhigay Axmed Maxamed Islaan.
Kulanka Addis Ababa lama faafin wax la isla gaaray, hase yeeshee, wixii kulankaas ka dambeeyay waxay labada dhinac ay dhimeen hadalalladii hawada la isku dhaafsan jiray ee colaadda sii hurinayay.
Illeen Hadalka Tarsan waa run (U Fiirso Afar dhacdo iyo Shan arrin)
 08/04/2013 4:00 AM0 commentsViews: 244
 -          Sida uu u dhacay weerarkii UNDP. June 19, 2013
-          Sida ay u galeen kooxo naftooda nacay xaruunta Maxkamada Gobolka Banaadir. Apr 14, 2013
-          Sida loola eegtay qarxyada safaarada Turkiga Muqdisho. July 27th, 2013
-          Dilkii madaxda Sirdoonka Qadar Muqdisho, May 9, 2013
Sheekada iyo taariikhda guud ahaan wadanka Soomaaliya uu soo maray waa mid caasho garata ah ayadoona dhamaan Soomaalidu meel walba ay joogaan ay aad uga dharagsanyihiin dhibka, jabka iyo guud ahaan rafaadka ay soo mareen shacabka dhiban ee mar walba lagu gandaraas raadiyo. 1991-2013.
Wadanka waxa muda dheer gacanta uu ugu jiray kooxo aanan ilaahay aqoonin taa waxaan ula jeedaa kuwa dhiiga shacabka siyaabo kala gadisan u gadan jiray ayadoona ay ugu danbeyntiina ay soo wada xirmeen Oor la boodkii dadka lagu kicin jiray in muda ah ha ahaato mid: Qabiil, Deegaan, Siyaasad iyo walba tii ugu danbeysay sida aan rumeysanahay ay aheyd mida Diinta gaar ahaan Diinta Islaamka oo haatan kaabiga iyana u saaran sidii dadka ay uga aamin bixi lahaayeen hogaamiyaasha Soomaaliyeed haba sheegto diin xitaa.
1-dii bisha August hadalkii Gudoomiye. Tarsan “ Qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho  waa kuwa shabaab lagu wehliyo oo kaligood aysan awoodaasi laheyn”
Dibad baxyo looga soo horjeeday amaan xumida ka jirta gaar ahaan magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay hadalkaasi gudoomiyaha gobolka Banaadir ee xilikisa dheeraaday Maxamuud Axmed “ Tarsan” isagoo markaasi u ekaa ama muujinayay in uu jiro xiriir dhow oo ka Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo waliba Ururka Alshabab oo haatan ka taliya qeyba ka mid ah wadanka Soomaaliya awoodoodana la sheegay in ay sii liidaneyso markaan.
Eeda Tarsan oo aan ka helay war horleh
Gudoomiye Tarsan ayaa gaar ahaan waxa uu farta ku goday Odayasha dhaqanka Soomaaliyeed oo dhawaan ku fashilmay wada xaajood ay ka gadayeen madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu badbaadiyo ninka kasoo fakaday Alshabaab Xasan Daahir Aweys oo la rumeysanyahay in uu xabsi qarsoodi ah ku hayaan ciidanka dowlada Soomaliya.
Balse Tarsan ayaa iloobay in eeda uu dusha ka saaray Odaayaha ay sidoo kale jiraan masuuliyiin kale oo dowladana ka haya jagooyin sare iyana xirir dhow la leh alshabaab oo ay ugu horeeyaan madaxda Sirdoonka gobolka Banaadir iyo Police-ka Soomaaliya iyo xafiisyada madaxweynaha qaar ka tirsan.
Axmed Macalin Fiqi taliyihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya
Khalif Erge taliyihii Sirdoonka gobolka Banaadir
C/laahi Xasan Bariise Afahayeenka ciidanka Police-ka Somalia
Dhamaan ragaasi waxa ay ka mid yihiin raga ugu horeeya marka la eego xiriirka alshabab iyo madaxda dowlada waa kuwa ka dalaalka ah xitaa hadii ay arin kasoo gasho xafiiska madaxweynaha 3-daan ruux ayaa fududeysa ka dib baaritaano dheer aan ku baadi goobayay sarta halka ay ka qurantay oo aan waday mudo 6-bilood.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa laba ka mid ah ragaan hawada ku baartay isagoona taliyaal cusub u magacaabay Sirdoonka iyo gobolka Banaadir oo ah rag aan si wacan u aqaano aanan la iiga sheekeenin.
Bashiir Maxamed Jamac aka Bashiir Goobe waxaa loo magacaabay taliya ugu sareeya ee Sirdoonka Soomaaliya waxa uuna horay uga soo qabtay dowlada jagooyin badan
Cabdi wahaab Maxamed Jimcaale aka Koofi ama Abdi mahadi oo aan isku meel kusoo wada kornay ahaana mudooyinkii ugu danbeeyay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha horayna u ahaa madaxweyne Shariif.
Balse suntii ay abuureen labadaas nine ee xilka laga qaaday ( Fiqi iyo Ereg) ayaa ah mid wali kasii guuxeyso magaalada Muqdisho oo maanta keentay in xitaa la qarxiyo baalayaasha oo ka mid adeegyada ugu hooseeya ee Shacabaka.
Xiriirka Shabaab & Nabad-sugida Somalia… 2012 – 2013
Sida aan ka warheyno wadan walba oo aduunkaan ku yaala waxa uu leeyhay ciidan ( Police, military, intelligence i.w.m) taa oo u sahli karta in si fudud ay dowlada u ilaaliso una xafdiso guud ahaan amaanka wadanka ay masuulka ka tahay.
Soomaaliya way ka gadisantahay wadamada kale oo waxaa wadanka ku sugan ciidamo loogu yeeray nabad soo celin ee loo yaqaano AMISOM oo mandate ka heysta Qaramada midowda dhaqaalahana siisa waxa ayna sugaan dhamaan amaanka madaxda dowlada waxa ayna si gaar ah u ilaalisa goobaha madaxda ugu sareeya ay ku suganyihin sida Garoonka diyaaradaha, Dakada iyo waliba meesha laga maamulo dowlada ee villa Somalia.
Marka laga soo tago dhanka AMISOM dowlada waxa ay leedahay nambar aad u badan oo ah ciidanka dharka cad ama intelligence oo inta badan bartimaamsado ama ka hortago fashiliyana maleegyo ka dhan ah dowlada ama shacabka waxaana u madax ahaa nin lagu magacaabo Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ahaa liiska madax ka tirsan dowlada oo dhawaan laga soo saaray warbixin koox u qaabilsan UN-ka qeybta u dhanka monitoring-ka oo sheegay in ay si toos ah ula shaqeeyaan kooxda alshabaab.
Ciidanka Nabad-sugida Soomaaliya “Somali National Security Service “ SNSS” oo ka kooban 80% dhalinyaro dad’dooda ay ka yartay 25-sano asal ahaan markii hore ka yimid dhanka Alshabab ayaa guud ahaan wadanka la wareegay ayadoona dad badan xabsiyada la dhigay lagu eedeeyay in ay la shaqeeyaan Shabaab hlaka kuwii saxda ahaana habeenimo fadhigooda loogu geeyay alshabaab ee lagala baxo xabsiyada.
Baaritaan dheer ka dib ayaan ku ogaaday in ragii sahlay arintaasi ay ahaayeen labada taliye ee Sirdoonka Soomaaliya ugu sareeye ee kala ah Fiqi iyo waliba Ereg oo haatan labadooda la raacdeeyay oo uu daadka horay u qaaday.


Xiriirka Shabaab & Odayaasha
Sida aynu ka warheyno dhawaan isku day ay sameeyeen odayaasha dhaqanka oo aheyd in ay badbaadiyaan nolosha Xasan Daahir Aweys ayaa noqotay mid fashil kusoo idlaatay aygoo taa ka duula odayaasha ayaa raadiyay wadooyin kale oo ay ku lifaaqi karaan waxaan ula jeedaa odayaasha ayaa mashruuc ka raadiyay xaruumaha shabaab oo ay ku taamayeen in gandaraaskii Xasan Dahir badalkiisa ay heleen mid la mid ah dhankooda.
Hadii aan dib ugu laabano xasuusta odaayasha dhaqanka gaar ahaan kuwa beelaha Hawiye dagaalkii 2007-da ee kasoconayay magaalada Muqdisho 9-ka maalmood ee u dhaxeeyay ciidamada Ethiopia oo koox Soomaali oo isbaheysatay waxa ay ku lahaayeen door lama ilaabaan ah ayagoo arinta markii danbe ka dhigay qaab qabiil oo u ekeed in ay ku badbaadiyeen nolol badan hadana marka loo eego odayaashaasi waxaa ku jiray kuwa qalbigooda uusan wali ka tirtirmin qurunka iyo qabiilka oo kuwaana waxaa xustay taariikhda.
Waa run xiriir dhow waa uu ka dhexeeya odayaasha iyo alshabaab waxaana cadeyn ama daliil kuugu filan arinta Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo qaabkii ay warbaahinta uga hadleen odayaasha, dad badan oo arimaha Soomaaliya qiimeeya ayaa ku sheegay in Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ay yihiin kuwa wali aanan kaalintooda si toos ah looga faa’ideysanin marba cidii doonta ay ku baroor kacsadaan oo ay ugu danbeysay tii Xasan Dahir.
Abuurkii & kala oradkii Shabaab!!! Orgiga boohinta ka weyn
Sida aan lasocono Alshabaab waxa ay ka mid tahay kooxihii wadanka soo maray haba loo galiyo shaar Diimeed, waxa uuna abuurka Shabaab sii laba kacay markii wadanka ay kusoo duuleen ciidamada Ethiopia oo guud ahaan kala ceyriyay Midowgii Maxaakiimta Islaamiga oo mudo kooban wadanka dib ugu soo celiyay adeegyo badan oo shacabka ay mar qura wada qireen.
Kala cararkii Maxaakiimta waxa ay keentay in heshiis dhow lala galo gaar ka tirsan hogaankii maxaakiimta oo uu ugu horeeyay madaxweynihii Jamhuuriyada Soomaaliya 31 January, 2009 – 20 August, 2012 Shariif Sheekh Axmed.
Kooxo ku dhax milnaa Midowgii Maxaakiimta Islaamka oo ay ugu horeeyay Adan Ceyrow, Axmed Godane, Abu-mansoor Rowbo iyo Xasan Daahir oo isna budadiisa si gaar ah ay u tuneed ayaa dhagta isku sheegay in sameeyaan urur ka madax banana midka uu horkacayay Shariif Sheekh Axmed oo markaas noqday madaxweynaha wadanka, dagaal ka dib oo lagu qaaday taageerayaasha iyo ciidan u gaar ah una daacad ahaa madaxweyne Shariif ayaa la isugu keenay madaxtooyada villa Somalia oo aan xiligaas meel u dhow ku sugnaa waxa ay isku waafaqeen koox uu horkacayay madaxweyne Shariif oo la magac baxay Aalla-sheekh in ay bari’ ka noqdaan howlaha Alshabaab.
Inkastoo madaxweyne Shariif lagu sheego in uu ahaa ninka kaliya ee naas nuujita ku bilaabay Alshabaab hadana waxaa jiray siyaaysad qarsooneed uu horay hoosta uga xariiqay madaxweyne Shariifka oo aheyd in marka hore la helo magaalo la isku haleyn karo oo amaan buuxdo leh iyo waliba hoos nabadeed oo waxa uu isku dayay in uu soo jiito shacabka Soomaaliyeed oo ugu danbeyntii habeen cad si amaan ah doorasho xur ah lagu doortay madaxweynaha wadanka haatan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Inkastoo madaxweyne Shariif ay asxaab badan isku waayeen kursigaas oo ay ku jiraan madaxda Shabaab haatan iyo waliba qaar kaloo dhintay hadana iskuma uusan adkeynin sida madaxda Afrikaanta oo kale ee maalin cad ayuu boorsadiisa kasoo qaatay magaalada Muqdisho oo haatan si amaan ah ugu noolyahay wadanka Mareekanka.
Magaalada Muqdisho waxa ay aheydn mid maalin walba qaraxyo aysan ka dhicin wallow ay jireen qaraxyo dhaco hadan waxaa aad u sahlaneed in lasoo ogaado ama gacanta dowlada lagu soo dhigo canaasir badan oo si qarsoodi ah ugu dhax noolaa goobaha ay dowlada ka taliso waxaan horaantii iyo dhamaadkii 2010-2011 magaalada Muqdisho si buuxda u xukumayay dowlada Soomaaliya oo dhiiragalin ka heleysa beesha caalamka oo la jiqsaneed xiligaas.
Bixitaankii Shariif iyo awooda yar ee dowlada Soomaaliya waxa ay ku sheegaan dad badan oo indh-indheeya siyaasada Soomaali in ay aheyd bilowgii dimuquraadiyada waxa loogu yeero ayadoona awooda alshabaab xiligaasi ay aheyd mid dhulka sii galeyso hadan ma jirnin sabab loosii kobciyo sida ay aaminsanyihiin dadka qaar.
Magaalooyin iyo Tuulooyin badan ay kasii yaraaneysay amaanta alshabab ayadoona dowlada inta badan ay isku sii fidisay dhul badan oo horay gacanta dowlada in muda ah aysan arag waxaana ka mid ahaa qaar ka mid ah Shabeelada Hoose, Dhexe iyo waliba gobolka Hiiraan oo ay haatan qeybo ka maamusho dowlada Soomaaliya.
Xiriirka Shabaab & Maamulka Faroole
Sida aynu  ka warheyno sanadii na dhaaftay ee December 2012 waxaa lagu sheegay si qarsoodi ah loogu arkay ninka ugu sareeya dhanka Dacwada Ururka Shabaab Fu’aad Khalaf ee loo yaqaano “Shangole” iyo qaar ka tirsan ragga ugu caansan kooxda sida Sheekh Cabduqaadir Mumin oo ah ninka u qaabilsan dhanka fatwooyinka ama hoos ka xariiqida qofka la dilayo isagoo u raadiyo qiil ama dhaliil dhanka Quraanka iyo axaadiista oo ugu danbeyntii kooxda ay go’aanksaas raacaan.
Kulamo xasaasi ah oo u dhexeeyay madaxda Shabaab iyo waliba Sirdoonka Puntland ayaa ahaa mid intiisa badan lagu lafa-gurayay xiriirka Urur weynaha Ictisaam iyo maamulka Faroole ka dib markii Ururkaasi ay iska fogeeyeen eedeemo iyo dhibka kasoconaya dhulka Puntland oo la sheegay in Ictisaam ay ka masuul ahaayeen maadaama inta badan ganacsatada ugu waaweyn Puntland ay ayga yihiin ayna maalgaliyaan balse ugu danbeyntii eedaas meesha ayay ka baxday oo waxaa la arkay maalin cad in magaalada lagu dilo sheikh halkaas ka caan ahaa kana tirsanaa Ictisaam.
Danta Faroole oo aheyd mid dhaqaalo salka ku heyso ayaa ugu danbeyntii abuurtay in xiriir dhow uu la yeesho Ururka Shabaab ayagoona maalin walba howlgalo ay ka sameeyaan dhulka Puntland sirdoonkooda ay kusoo qabtaaan dadka reer koofureedka ah oo ay ugu danbeyntii ku kalifaan in ay la shaqeeyaan handadaado badan oo dadkaasi lagula kaco ayaa keento in ay la shaqeeyaan dhalinyaro badan oo mushaarkooda looga dhigo hadba warka ay soo sheegaan hadii uu yahay mid lagu kalsoonaan karo.
Sirdoonka Dowlada Somalia & Shabaab waa isku mid !!!
Maku fakirtay waligaa in labada sirdoon ee dowlada iyo Shabaab ee ku sugan magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa isku mid ah!!!
Cadey ayaan idiin hayaa:-
-          80% ciidanka u qoran Sirdoonka Dowlada Soomaaliya waa kuwa markoodii hore laga keenay dhanka Shabaab ama ku joogo qaab wada hadal.
-          Rag badan oo u shaqeeyo dhanka dowlada ahna madax ayaa howshaasi wax ka fuliyo una fududeeyo qaraxyada sida: dharka ciidanka iyo gawaarida.
-          Marka uu qarax dhaco oo baaritaano ay sameeyaan wariyaasha qaar waxaa dhacdo in hadana qalalaaso ka dhan ah wariyaasha la keeno sida lagu wariyaal badan oo aan usoo joogay kuna jiray sidii ay ku ogaan lahaayeen amaan xumida ka jirta xamar cida ka danbeysa.
Qarixii maxkamada gobolka Banaadir, UNDP, madixii Sirdoonka Qadar lagula eegtay KM4, Safaarada Turkiga waxa ay wada ahaayeen kuwa si qorsheysan u dhacayay ayadoona guud ahaan amaanka wadooyinkaasi ay ahaayeen kuwa la adkeeyay?  Maxay wali usoo saari weyday dowlada bayaan cad oo kala cadeyna wixii dhacay ama marka laga reebo in Shabaab ay dhanka warbaahinta ka sheegaan in ay ka danbeeyeen?
Gunaanud
Sida aynu ka warheyno qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalda Muqdisho wixii ka danbeeyay markii xilka madaxweynimo loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa kuwa qorsheysan ayadoona fal walba lagu qaarijinayay qof masuul ah goob mucayan ah iyo waliba siyaasad dhameystiran.
Wasaaradaha dowlada Soomaaliya ee loogu talagay in ay ilaaliso sugtana amaanka shacabka ayaa marka uu dhaco fal ceynkaasi oo kale ugu danbeyntii kusoo xira “ waan qabaneenaa cidii ka danbeysay falkasi iyo warar aan ka dagin shacabka Soomaaliyee”…
Dowlada Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay kahor tagto amaan xumida ka jira wadanka ayadoona dowlada Turkigana ay tahay dowlada kaliya ee haatan dadka wax la taaban karo u haya shacabka Soomaaliyeed taas waa wax cad haba jiraan siyaasad qarsoon oo ay leedahay Turkiga hadan waxaa inooga muhiimsan waxa ay shacakeena u qabanayaan: ha ahaato gargaar, waxbarasho iyo waliba dhanka caafimaadka oo ay xamar ka sameeyeen goobo badan oo caafimaad ah.
Dhibkii dhacay looma kala harin hadana shacabka Soomaaliyeed ayaa in muda ah ku dhaxjiray siyaasado iyo danooyin kala gadisan oo midba xawaara gaar ah kusoconayay waxa ayna keentay in dad badan oo Soomaali ah ay ku dhintaan gudaha iyo dibada ayadoona ay ugu xumeed kuwa ilaa haatan ku dhamaanaya biyaha Yurub iyo Afrika u dhaxeeya qaar ayaa ku jiro xabsiyo qaarna lamaba oga meel ay jaan iyo cirib dhigeen Ilaahay u naxariisto Shacabka Soomaaliyeed oo markaan ka daalay colaad iyo dano shisheeye.








Puntland oo qaadacday heshiis ay DF saxixday (Kama mid nihin Federaalka)
  Maamul goboleedka Puntland ayaa kasoo horjeestay heshiis dhowaan ay saxiixday dowladda Somalia oo ay shirkad laga lee yahay dalka Holland qanadaraas ugu siisay ilaalinta xebaha Somalia.
Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka burcad badeeda Puntland Eng. Siciid Maxamed Raage ayaa warsaxaafadeed uu xafiiskiisa kasoo saarey waxa uu ku sheegay in dowlada Puntland aysan aqoonsanayn heshiiskii 30-07-2013 Muqdisho ku dhexmaray dowlada federaalka Soomaaliya iyo shirkadda laga leeyahay dalka Holland ee The Atlantic Marine and Offshore Group.
Waxa uu sheegay inaysan marnaba aqoonsaneyn heshiiskaas islaamrkaana Puntland ay u madax banaan tahay ilaalinta xeebaheeda.
 “Dowladda Somalia mas’uul kama ahan ilaalinta xeebaha Puntland” ayuu wasiirka ku yiri warsaxaafadeedkiisa.
Hadalka ah in Puntland ay u madax banaan tahay xeebaheeda, oo DF aysan mas’uul ka ahayn xeebaha Puntland, ayaa marka si kale loo dhigo waxa uu macnaheedu yahay in Puntland aysan qeyb ka ahayn federaalka Somalia, oo aysan Dowladda Somalia awood u lahayn inay go’aan ka gaarto dalka.
Warbixin lagu kashifay howlgalka Qarsoodiga ee Mareykanka ka soo wadeen Soomaaliya 2001 -2013
Taliska Howlgalka gaarka ah ee Pentagon ka Mareykanka ee Soomaaliya (JSOC) waa howlgal qarsoodi ah oo Dowlada Mareykanka ay ka waday Soomaaliya tan iyo 2001 dii, inkastoo howlgalkaan uu ka madax banaan yahay CIA da hadana saameyn weyn ayay CIA da ku leedahay Gobolka oo dhan.
Hadaba Wargeyska ka hadla Arimaha Ciidamada Mareykanka ee US Army Times ayaa daaha ka qaaday howlgalkani oo si weyn ugu dhex sacdo Soomaaliya.
Waxaa warbixinta lagu sheegay in Ciidamo Mareykan ah ay si joogta ah howlgalo ugu fuliyaan gudaha Soomaaliya, iyagoo adeegsanayo waxkasta oo u saamaxaya in howlgalkaasi ay u fuliyaan sida ay u qorsheysteen.
Bishii June 2011 ayay bilaaween in ay adeegsadaan diyaaradaha duuliya la,aanta wax duqeeya soona basaasa ee loo yaqaano Drone kuwaas oo ka soo duula saldhigyo kala duwan oo ay ku leeyihiin Gobolka.
CIA da Mareykanka ayaa sidoo kale si qarsoodi ah ugu howlgasho garoonka Muqdisho ee Adan Cadde, diyaarado Drone ah oo aanan radin wax hub ah ayaa ka duula Adan Cade Airport, qaar ka mid ah waxa ay qeyb ka yihiin howlgalka Mareykanka ee la dagaalanka Argagaxisada halka kuwa kale oo badana ay caawiyaan howlgalka nabad ilaalinta ee Amisom, sida warbixinta lagu yiri.
Warbixinta oo aad u dheer kana hadlayso howlgalka qarsoodiga Mareykanka ay ka soo wadeen Soomaaliya 2001 dii ilaa sanadkaan 2013 da ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ee sida qarsoodiga ugu howlgala Soomaaliya ay ka faa,deysteen dagaaladii Ciidamada Itoobiya iyo Kenya ay gudaha Soomaaliya kula galeen Al Shabaab halkaasna ay si hoose ugu bartilmaameydsanayeen Islaamiyiinta Mayalka Adag ee Al Shabaab
Waxaana ay sameeyeen duqeymo dhinaca cirka ah oo ay u adeegsadeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopterada, AC130 iyo gantaalada Drones ka oo ay ku dileen hogaamiyaal ka mid ahaa Al Shabaab.
MADAXA SIRDOONKA SOOMAALIYA oo banaanka soo dhigay arrina shaki badan dhalisay
Madaxa Sirdoonka Soomaaliya  Gen.Bashiir Maxamad Jaamac ‘’Bashiir Goobbe’’ ayaa waxa uu Xukuumada iyo Madaxa Dowlada ugu baaqay inay Go,aan deg deg ah ka gaarto arinka Sheikh Xasan Daahir Aweys oo weli ku jira xabsi nabad sugida Soomaaliya ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Ninkan ugu sareeya Sirdoonka Soomaaliya ayaa qiray in Amaankii uu faraha ka baxay tan iyo markii Dowladu ay xabsiga u taxaabtay Wadaadka xagjirka Sheikh Xassan Daahir Aweys taas oo ah arin maalmahaanba shacabka qaarkiis ay hadal hayeen.
Laakiin Bashiir Goobe ma uusan sheegin kaalinta ay taageerayaasha Xasan Dahir ku leeyihiin qaraxyada iyo dilalka abaabulan ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho
Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa wanaag sanaay ka hor xarigii wadaadka Xagjirka Xassan Dahir Aweys, waxa uuna Bashiir Gobe sheegay in Muqdisho ay u qasan tahay Beesha Habar Gidir, taasoo salka ku heyso xirnaan shaha Xassan Dahir.
Bashiir Goobe, ayaa waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay adeegsato awood ama ay iska sii deyso Wadaadka Xagjirka Somalia ee Xassan Dahir Aweys.
Balse dadka ka faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayan inaysan muuqan qaab Xasan Dahir saameyn ku yeelan kara amaanka Magaalada Muqdisho.
Daawo: Buur ku taalla Somalia oo lagu caafimaado Biyaheeda (Mucjiso)
 Soomaaliya waxaa ku taal goob lagu magacaabo Biyo-Kulule oo ku dhow magaalada Berbera ee gobolka Waqooyi galbeed.
Biyo Kulule waa biyo kasoo daata buur halkaasi ku taalla, waxaana la rumeysan yahay in biyahaasi ay yihiin kuwa lagu caafimaado.
Waxaa looga yimaadaa gebi ahaanba dalka Somalia, waxaana warbixn video ah ah ka diyaariyey Weriye Cabdirisaaq Cali Terra oo ka tirsan Univeral Tv
Sirdoonka, Talyaaniga, Mareykanka, UK iyo Norway oo isugu tagay Xalane Muqdisho Warbixin
Sida laga soo xigtay ilo wareed ku sugan Magaalada Muqdisho in ku dhaw 1000 Sarkaal oo cadaan ah kana tirsan Laamaha Sirdoonka wadamada reer galbeedk ayaa isugu tagay duleedka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Saraakiishan oo ka mideysan kaliya la dagaalanka Al qaacida iyo al shabaab ayaa waxay ka kala socdaan dalalka Mareykanka, France, Ingiriiska, Talyaaniga, Spain iyo dalka qadar.
Wariye booqday Xalane oo saldhig u ah Sirdoonka reer galbeedka ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa uu indhihiisa ku soo arkay in ka badan 250 Sarkaal oo Talyaani ah kuwaas oo markii qaar ka mid ah la kulmay u sheegeen inay yihiin tababarayaal Ciidan oo laga soo wareejiyay dalka Uganda kuwaas oo halkaas ku tababari jiray Ciidamada Dowladda.
Waxyaabaha ugu badan marka aad tagto Xalane aad ku arkayso waxaa ka mid ah Camerooyin meel walba ku xiran kuwaas oo lagula socdo cid alla cidii soo gasha xeradaas.
Su’aalaha la is weydiiyo waxaa ugu weyn bal inaad wax kala socoto dhaqdhaqaaqyada al shabaab iyo xubnaha al qaacida ee ku dhuumanaya koonfurta soomaaliya, xaalada Madaxda dalka warbixinada dhinaca Siyaasadda.
Sidoo kale waxaa wax laga weydiinaya Ganacasatada Soomaalida iyo qaabka ay u shaqeystaan.
Sirdoonkaas ayaa waxaa Magaalada war uga keena shaqsiyaad soomaali ah, xubno ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah, Saraakiil Laamaha amaanka ka tirsan kuwaas oo dhaqaale aad u fara badan ka hela Sirdoonka reer galbeedka.
Waxay xubno ku dhex leeyihiin Golaha Wasiirada, Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.
Wakiilo ayaa u jooga Sirdoonka reer galbeedka Magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo ilaa iyo Kismaayo.
Subax kasta iyo weliba saacad walba waxaa soo dhaca warar is daba socda shaqadana waa mid daqiiqad walba kordhayso.
Wxaaa jira Xabsiyo reer galbeedka ku leeyihiin xarunta Xalane halkaas oo lagu soo xero cid kasto oo loo arko inay xiriir la leedahay al shabaab.
Dowladda Soomaaliya waxyaabaha qaar ee ka dhaca xarunta Xalane lama socdaan waayo aad ayaa loo adkeeya wararka ka soo baxaya xaruntaas.
Meelaha kale oo Sirdoonka reer galbeedka wararka ka helaan waxaa ka mid ah Shaqaalaha Hay’adaha Samafalka, Madaxda NGO yada Soomaalida iyo Shirkadaha Isgaarsiinta oo si aad ah loola socdo.
Tarsan oo laga mamnuucay shirarka ammaanka iyo kulan xasaasi ahaa oo xalay ka dhacay Muqdisho
  Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay shir uu soo qaban qaabiyay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Sida ay sheegeen xubno ka qaybgalay shirka, waxaa looga hadlay cabasho uu soo jeediyay guddoomiyaha gobalka Banaadir Tarsan, taasoo kusaabsan in loo diiday  ka qaybgalo shirarka looga hadlaayo ammaanka.
Sidoo kale Tarsan wuxuu sheegay in laga mamnuucay in uusan qaban Karin isku soo bax maadama aad looga carooday hadal uu dhawaan ka sheegay dibad bax looga soo horjeeday weearkii Turkiga lagu qaaday.
Tarsan ayaa dibad bixii Muqdisho ka sheegay in weerarkii Turkiga Al-Shabaab kaligood aysan fulin sidoo kale wuxuu sheegay in siyaasad laga lahaa.
Hadalkaas waxaa la sheegay in ay aad uga caroodeen madaxda dowladda Soomaaliya.
Shirka waxaa ka qaybgalay xildhibaannada baarlamaanka ee uu ka soo jeedo Tarsan iyo kuwa beesha Abgaal.
Si kastaba, waxaa xalay magaalada Muqdisho si wayn u soo galay wararka sheegaya in Tarsan lagu badali doono guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Hasan Mungaam.
Dhinaca kale, xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxaa xalay ka socday kulamo looga hadlaayo ammaanka, waxaana kulamadaas loo diiday in uu ka soo qaybgalo guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya.
War Culus:Ciidamo badan oo Ahlu Sunna ah oo dagaal doon ah aya ku jahan Ceel-buur
Sida ay xaqiijinayaan warar hadda naga soo gaaraya Gobalka Gaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo badan oo kamid ah kuwa Ahlu sunna ah ay u jiheysteen Magaalada Ceelbuur oo ay dhaq dhaqaaq ka wadaan kooxda Al Shabaab.
Sargaal kamid ah Ciidanka Ahlu Sunna ayaa waxaa uu sheegay in gud ahaan ay la wareegidoonaan magaaladaCeel buur oo hadda ay ku suganyihiin Ciidamo katirsan kooxda Al Shabaab.
Ahlu Sunna ayaa wada qorshooyin ay kula wareegayaan qeybo badan oo kamid Gobalka Galgaduud oo hadda aykusuganyihiin kooxada dagaal joogga ah ee Al Shabaab.
 


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...