Tuesday 29 October 2013

DEG DEG: Xildhibaan cumar Isloow Maxamed oo ku geeryooday magaalada Nairobi


isloowMuqdisho(RBC Radio) Xildhibaan Cumar ISloow Maxamed ayaa saakay ku geeryooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,Gudoonka Baarlamaanka ayaa ka hadlay geerida Xildhibaanka waxayn Tacsi u direen Eheladdii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed.
Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed ayaa hore ugu xanuunsanayay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya waxaana xanuunkiisa loo qaaday cisbitaal ku yaalla magaalada Nairobi oo lagula tacaalayay xanuunkiisa, Xildhibaanka ayaa saakay waabarigii ku geeryooday cisbitaalkii uu u jiray.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Caabdalla Cawad ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed oo saakay ku geeryooday magaalada Nairobi wuxuuna tilmaamay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay dhamaantood tacsi u dirayaan Eheladdii iyo Qaraabadii uu ka baxay Xildhibaan Cumar Isloow.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in kulankii Baarlamaanka Soomaaliya loo baajiyay geerida naxdinta leh e ku timid Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Marxuun la keeni doono magaalada Muqdisho ee xarunta dalka ama lagu aasi doono Nairobi wuxuuna ku xuuxnuuxsaday inay kala tashan doonaan Eheladiisa goobta lagu aasi dooono.
Xildhibaan Cumar ISloow Maxamed ayaa dowladihii ku meelgaarka ahaa kasoo noqday Xildhibaan wuxuuna sidoo kale Taliye kasoo noqday Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, Cumar Isloow Maxamed ayaa hadda xildhibaan ka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...