Monday 21 October 2013

Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ka dooday Hirgelinta Nidaamka Xisbiyada Siyaasadeed (SAWIRRO)



Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay kaga doodeen hirgelinta nidaamka xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa howlaha baarlamaanka.
Kulankam ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari iyadoo ay joogeen dhammaanna xubnaha guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka, sidoo kale waxaa kulanka goob-joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad.
Furitaanka kulanka ayaa waxaa hadal ka jeediyay Jawaari oo tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo billaabo howsha axsaabta siyaasadeed; iyadoo la hirgelinayo qodobbada 22-aad iyo 47-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka oo iyagu si gaar ah uga hadlaya xaqa ka qayb-galka siyaasadda iyo doorashooyinka, markaas kaddibna guddiyada joogtada ah waxay gud-galeen ka doodista qodobbadaas.
Sidoo kale, waxay guddiyadu kulankooda uga hadleen miisaaniyadda uu ku shaqeyn doono baarlamaanka sannadka 2014-ka; iyadoo guddiyada ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan miisaniyadda baarlamaanka xoghayaha  guud ee golaha shacabka, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), intaa kaddibna waxay guddaiyadu ka hadleen miisaaniyadda guud ee dalka iyo arrimmo quseeya xoojinta howlaha baarlamaanka.
Guddoomiyaha baarlamaanka oo gunaanadkii kulankan hadal ka jeediyay ayaa sheegay in howsha hirgelinta nidaamka axsaabta siyaasadeed si dhaqso ah loo billaabo, iyadoo ugu horreynna laga billaabayo wacyigelinta dadweynaha ee xisbiyada iyo diyaarinta shuruucda axsaabta, iyadoo xusay in loo baahan yahay in howshaas lagu soo gabgabeeyo ugu dambeyn illaa bisha Juun ee sannadka soo socda 2014-ka.
Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa horay kalfadhigii labaad waxay uga hadleen howsha la xiriirta hirgelinta nidaamka xisbiyada maadaama ay arrintan ka mid tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee laga doonayo xubnaha baarlamaanka inay hirgeliyaan mudada uu jiro baalamaanka; iyadoo tani ay fududeynayos in dad badan oo doonaya siyaasadda ay ka qaybgalaan 2016-ka doorashada madaxdnimo ee dhacay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onlinemaxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...