Saturday 26 October 2013

Somalia - Wararki Maanta

Wafdi Ka Socda Baarlamaanka Uganda oo Kulamo la Qaatay Guddiyo Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
Wafdi ka socda baarlamaanka dalka Uganda oo uu hogaaminayo Xildhibaan Tim Walanga oo ah guddoomiyaha gudiga miisaaniyada ee baarlamaanka dalka Uganda ayaa maanta soo gaaray magaalada muqdisho.
Imnaatinkan wafdigan ka socda baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxa uu daba socdaa heshiiskii mataaneeynta oo ay horey u kala saxiixdeen labada baarlamaan  ee Soomaaliya  iyo Uganda.
Xoghayaha joogtada ah ee baarlamanka Soomaaliya C/kariim Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in wafdigan ay kulamo aqoon isweeydaarsi ah oo ku aadan xirfada miisaaniyad dajinta ay la leeyihiin guddiyada baarlamaanka soomaaliya u qaabilsan miisaaniyadda iyo gudiga ganacsiga.
Wafdigan ka socda baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxaa qeyb ka ah khabiir dhanka xeer hoosaadyada ah,inta badana wadamada afrikana u sameeyay xeer hoosaadyada baarlamaanada,waxana uu la kulmay guddiga baarlamaanka soomaaliya u qaabilsan xeer hoosaadka.
Dhinaca kale Gudiyada joogtada ah ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan looga hadlayay dardargalinta howlaha Barlamanka,waxaana Kulankaasi shir gudoominayay guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.
Khilaaf xoogan oo ka dhashay Shaqsiga laga dhigi lahaa Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Warar hoose oo soo baxaayo.     
Illo wareedyo ku sugan Villa Somalia,ayaa shabakadda u xaqiijiyay inay jiraan Khilaafyo xoogan oo u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.
 Khilaafka ayaa waxa uu ka dhashay ka gadaal markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda qoray warqad ku saabsan ku dhawaaqida Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Magaca shaqsiga laga dhigi lahaa hayeshe uu Wasaarika Arrimaha Gudaha warqadaasi dib u dhigay kadib markii uu khilaaf ka dhashay Beesha loo magacaabi lahaa Guddoomiyaha.
 Xilka iminka leysu heysto ee Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalladda Muqdisho, ayaa waxaa doonaayo in loo dhiibo Beesha Abgaal iyo Murusade oo dhinac ah, hayeeshee Madaxweyne Xassan uu doonaayo inuu xilkaasi u hibeeyo Beesha Abgaal.
 Warqadii lagu magacaabi lahaa Guddoomiyaha ayaa waxaa iminka loo dhigay dib, iyadoona Madaxweynaha loo gudbiyay Qoraalo ka hor imaanayo u magacaabista Beesha Abgaal xilkaasi.
 Khilaafka ayaa waxa uu ahaa mid soo taagan ku dhawaad Lix bil, mana jirto muuqaalo muujinaayo in la xaliyay Khilaafkaasi wallow Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Tarsan uu ka caga jiidaayo wareejinta Xilkaasi.
 Si kastaba ha ahaatee, waxan la garan Karin sida ay Dowladu u xalin laheyd qeybinta xilkaasi waxaana jiro warar hoose oo tilmaamaayo in Madaxweyne Xassan uu xilkaasi la doonaayo Ganacsade kasoo jeeda Beesha Abgaal inkastoo ay hortaagan tahay Caqabad.
QM oo abaalmarin siineysa wariyaasha Soomaalida
 Nairobi - Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimco ah, waxa ay daahfureysa qorshe ku aadan siddii abaalmarin loo siin lahaa wariyaasha ku hadla af Soomaaliga ee ka howgala dalka.
Abaalmarintan ayaa looga gun lee yahay siddii loo niyad dhisi lahaa wariyaasha ka howgala dalka, waxaana la eegi doona sida ay wax u qoraan ama ay uga soo warramaan warbixinada ay ka diyaariyaan dalka.
Philip Lazarani waa wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, wuxuu saxaafadda u sheegay in wariyaasha Soomaalida ay qabteen howllo aad u fiican oo lagu wacyi galinaayo shacabka Soomaaliyeed.
Bandhigga daahfurka abaalmarintan ayaa maanta si isku mid ah looga dhawaaqi doonaa magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe.
Soomaaliya oo 22-kii sanno ee la soo dhaafay waxaa ka socday dagaallo sokeey, waxaana ka soo warramayay wariyaasha Soomaalida, kuwaasoo dhibaatooyin kala kulmay shaqadooda.
Wariyaasha ku guuleesta abaalmarintan waxaa la siin doonaa qalab iyo abaalmarino qaali ah sida ay lee dahay QM, waxaana lagu dhawaaqi doonaa maalinta xuquuqda aadanaha ee bisha December ee sannadkan.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada lagu dhibaateeyo suxufiyiinta caalamka, waxaana sannad kasta lagu dilaay wariyaal iyadoo ay ugu dambeesay markii toddobaadkan lagu dhaawacay caasimada Muqdisho wariye u shaqeenaayay TV-ga Universal.
Maamulka iyo Shaqaalaha Shabelle oo go’aansaday in intii Banaanka lagu dili lahaa gudaha dhismahooda ay dowladdu ku disho
Iyadoo Wasiirka Arimaha Gudaha uu si sharci darro ah uu ku doonayo in looga saaro dhismaha ay degan tahay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee ay heshiiska kula gashay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka sida ku cad Warqada heshiiska ayaa arintaa awgeed waxa ay Shabelle Warqado ku saabsan heshiiskaaasi  ay gaarsiiyeen  Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wasaaradda Warfaafinta boostaha iyo gaadiidka, Cirka iyo Dhulka iyagoo intuba naga aqbalay Warqadahaasi.
Hasa yeeshee sidaa oo kale Waxa ay Shabelle Dacwad geysatay Maxkamadda Sare ee Dalka Dacwadaasoo ay ku lifaaqnayd Warqadii heshiiska ee Shabelle ay ku degan tahay Dhismaha Wasaaradda Gaadiidka. hasa yeeshee markii loo geeyey waxa ay sheegeen in Dacwadani laga furi karo Maxkamadda Gobolka Banaadir, markii Maxkamadda Gobolka Banaadir la geeyey dacwadaa oo ay ku lifaaqnayd Warqadii heshiiska ee Shabelle ay ku degan tahay Dhismaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Warqadii uu Wasiirku soo marsiiyey Taliska Ciidanka Booliska ee lagu amray in shabelle ka guurto Dhismahaasi  Waxa ay Sheegeen Maxkamada Gobalku  in dacwadan laga furi karo Maxkamadda Sare.
Haddaba markii ay inta dhacday  oo ay u cadaatay Shabelle in Dacwad aan loo furaynin  ayey  dhamaan Shaqaalaha iyo Maamulka Shabelle shir ay yeesheen oo ay kaga hadlayeen arintaasi waxa ay go’aansadeen in intii Banaanka lagu dili lahaa Shaqaalaha iyo Maamulkaba in ay Dawladu ay ku disho Dhismaha ay Shabelle iminka Sida Sharciga ah ku degan tahay, waxaana arintaasi haddii ay dhacdana Mas’uuliyadeeda ay qaadanayso DF Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibada Oo Howlgelisay Waaxda Quurba Joogta Soomaaliyeed “War-Saxaafadeed”
Ujeeddo: War saxaafadeed – For immediate release
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo howlgelisay Waaxda Qurba joogta Soomaaliyeed .
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ugu saldhigtay Waax cusub oo lagu magacaabo Waaxda Qurba joogta Soomaaliyeed (Department of Diaspora Affairs) .
 Waaxdan oo xidhiidhin doonta jaaliyadaha dibadda ama qurba joogta iyo dadka ku nool gudaha wadanka , ayaa waxa ay yeelan doontaa qeybo kala duwan oo u howlgali doona isku xidhka qurba joogta ( Diaspora) , hey’adaha dowladda iyo ganacsatada , si loo sameeyo iskaashi iyo wadashaqeyn , looguna fududeeyo maalgeshiga .
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
 Follow us on Twitter: @mofasomalia
Raila Odinga Oo Argagax Ka Muujiyey Muuqaalo Muujiyey Ciidamada Kenya Oo Xadaya Suuqa West Gate
Raysal-wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay muuqaalo muujnaya ciidamada Kenya oo boobaya alaabtii taalay suuqa West Gate ee Magaalada Nairobi, markii 21-kii September ee sanadkan ay kooxda Al-shabaab weerarka ku qaaday.
Mr Raila Odinga, oo safar ku jooga dalka Maraykanka, ayaa khudbad uu ka jeediyay Jaamacad ku taala Magaalada Boston ku soo qaaday Muuqaal Video ah oo muujiyey ciidamo Kenyan ah oo xadaya alaabooyinkii yaalay suuqa la weeraray ee West Gate, oo ay lahaayeen dad shacab ah, waxaanu Mr Raila Odinga sheegay inuu arintaasi aad uga naxay isla-markaana uga xumaaday “Dadka la laayay waxa dadweynaha Kenya kaga naxdin badnayd markay arkeen dhaqan xumada ciidankooda oo kamaraduhu qabteen iyagoo xadaya alaabtii dhismaha taallay” ayuu yidhi Raila Odinga.
Raysal-wasaarihii hore ee Kenya, oo sii hadlaya ayaa yidhi “Tani waa wax qof walba ka yaabisay, sannado badan ayaan dhisaynay muuqaalka ciidankeena oo ahaa kuwo haysta tababar fiican lehna anshax wanaagsan, balse tani waxay noqotay la yaabkii ugu darnaa, waa qaylo dhaan hor leh”
Wasiirka Difaaca Talyaaniga oo Muqdisho Soo Gaaray
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi Saraakiil ah oo ka socday Dowladda Talyaaniga, waxaana hoggaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Talyaaniga Admiral Luigi Binelli Mantelli.
Admiral Mantelli ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Talyaaniga, iyadoo Kulanka ay la qaateen Masuuliyiinta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka ay goobjoog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Gen.Muuse Xasan iyo Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya Ambassador Andrea Messella.
Kulankaan oo ahaa mid saacado badan qaatay islamarkaana ay albaabada ulaabnaayeen ayaa lagu lafa guray mudadii uu socday doorka uu Talyaaniga ka qaadan karo tayeenta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Faqi oo Khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay horummaradii ugu dambeeyay oo ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinac amniga iyo caqabadihii ka horyimid waxaana sidoo kale uu wasiirku codsaday in lasii dardar geliyo dedaallada ay Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga isaga kaashanayaan soo celin Amniga iyo Xasilinta Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Alshabab ay Qatar ku yihiin amniga guud ee Gobolka loona baahnayhay in si wadajir ah looga qeybqaato dabargoynta Kooxdaasi xagjirka ah eek u xiran Alqaacidda.
Sidoo kale S.Guuto Daahir Aden Cilmi Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isna kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Ciidamada milateriga u baahanyihiin in laga caawiyo dhinacyada qalabeynta iyo Tababbarrada si ay usii dardargeliyaan Dedaalladdooda ku wajahan la dagaalanka argagixisada.
Taliyayaha ayaa farta ku fiiqay in  Soomaaliya ay haatan leedaha labo cadow oo kala ah Alshabab iyo Burcadbadeedda kuwaasoo Qatar ku ah jiritaanka iyo xasilloonida Dalka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Talyaaniga Admiral Luigi  Binelli Mantelli  oo isna ka hadlay kulanka ayaa tibaaxay in Dowladda talyaaniga ay ka go’antahay kordhinta taakuleynta iyo tababaridda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan Milateriga iyo Booliska waxa uuna xusay in haatan uu indhihiisa ku arkay isbedel muuqdo oo ay dowlada Soomaaliya ka gaartay xagga nabadgelyada wadanka oo ay  Ciidamadu magaalooyin farabadan ka saareen maleeshiyaadka Alshabab.
Kulankaan ayaa qeyb ka ah hirgelinta Heshiiskii ay 17-kii September Magaalada Rome ku wada saxiixdeen Wasiirrada Gaashaandhigga Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga kaasoo qodabbadii lagu gaaray ay kamid ahaayeen Qalabeynta iyo kordhinta tababbarrada Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro jiritaanka Alshabab iyo Xulafadooda ajaaniibta ah ee ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya.

Maamulka Bacadlaha Xamaweyne oo Ganacsato kala Wareegay Dukaamado ay Horey uga Kireysteen Bacadlahasi
Ganacsatadani oo maanta lagala wareegay goobihii ganacsi oo ay ku lahayeen bacadlaha Xamarweyne ayaa lagu sheegey in ay ka soo bixi waayeen shuruudo horey ay ula galeen maamulka bacadlaha Xamarweyne.
Cumar Cismaan Waasuge oo kamid ah mas’uuliyiinta maamulka bacadlaha ayaa sharaxay go’aanka ay ka qaateen dadkii horey u kireystay xarumahaasi ganacsi,iyagoo ku booriyay ganacsatada kale in ay ka faa’ideysataan fursadaha ganacsi ee bacadlaha.
Cumar Cismaan Waasuge ayaa sheegay in dukaamada lagala wareegay dadkii horey u kireystay la siin doono ganacsato kale oo diyaar u ah in ay ku ganacsadaam,isagoo sheegay in bisha soo socotana ay kala wareegi doonaan kuwo kale hadii aysan furan oo aysan ku ganacsan dukaamada ay horey u kireysteen.
Cumar Cismaan Waasuge ayaa sidoo kale xusay in dhowr jeer ay digniino u jeediyeen dadka ay u kireysnaayeen dukaamadan laakiin ay iska dhega tireen,isago intaasi ku daray in ay jireen dad u dhega nuglaaday baaqooda oo furtay dukaamadii u kireysnaa.
Dhinaca kale dhaq dhaqaaq ganacsiga ayaa laga dareemaya suuqa bacadlaha tan iyo markii dib u habeyn lagu sameyeey taasi oo qeyb ka ah dib u soo noolaynta xaruumihii muhiimka u ahaa adeegyada bulshada.
Maamulka gobolka banaadir ayaa dib u dayactir ku sameeyay suuqa bacadlaha Xamarweyne si ay uga faa’ideystaan ganaxsatada soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta oo Ku Dhawaaqay In Adeeggii Boostada Soomaaliya uu Bilowday Kowdii Bishan October
Wasiirka wasaarada warfaafinta, Boostada,Isgaaarsiinta iyo Gaadiidka xukuumada federaalka ah ee Somaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi oo ay wehliyeen qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha warfaafinta iyo gaadiidka ee wasaaradda oo  maanta kormeeray xarunta boostada qaranka ee degmada boondheer ayaa sheegay in uu dib usoo noqday xirirkii Boost ee dalalka caalamka kala dhexeeyay boosta Soomaaliya kadib warqad  uu soo saaray  xoghayaha Boostada aduunka oo uu ku caddeeynayo in Soomaaliya ay ka mid tahay adeegga Boost ee caalamka.
“Wuxuu xoghayaha aduunku u caddeynayaa dhamaan xubnaha caalamka ee ka mid ah Boostada aduunka oo tiradoodu tahay 193 in Soomaaliya xiriirkeedii Boosto uu soo noqday uuna dhaqangal yahay, dowlada Imaaraadka gaar ahaan magaalada Dubai ay diyaar u tahay maamulkii, qabashadii iyo gudbintii Soomaaliya loo gudbinayay Boostada ku sucota,  adeeggan wuxuu dhaqangal yahay October Kowdeedii ,bilawgiisuna wuxuu noqonayaa Kowda November” Ayuu yiri wasiirka warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi.
Wasiirka warfaafinta,  isgaarsiinta iyo gaadiidka ayaa xusay in inta badan agabkii ay ku howlgelilaheyd boostada uu u dhameystiranyahay xarunta , waxa uuna farta ku fiiqay in dhawaan la dhameystiri doono agabka kale ee ka dhiman..
Geesta kalane mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa cambaareeyay falki dhaawaca ahaa ee loo geystay wariye Maxamed Maxamuud Timacadde,  isagoo tilmaamy in dowladu ay ka xuntahay dhibka soo garay
Talaabada dib loogu soo nooleeyay adeeggii boostada dalka ayaa qeyb ka ah dadaalka ay dowlada federaalka ah ee Soomaliya dib ugu soo celineyso adeegyadi bulshada muhiimka u ahaa ee ku bur buray dagaalladi sokeeye ee dalkeena soo maray.
Gabar Somali ah oo inta la kufsaday hadana la gubay oo raggii ka danbeeyey Gacanta lagu soo dhigay
Booliska Dalka Kenya ayaa baaritaanadii ay ku haayeen Gabadhii Soomaaliyeed oo 13 jir ah taasi oo la kufsaday isla markaana la gubay markii lafaraxumeeyey ayaa baaritaanadooda ay kusoo saareen hordhac farxad leh taasi oo ku sheegeen in ay u qabteen raga arimahaasi ka danbeeyey.
Gabadhani ayaa lagu dilay magaalada Balanbale taasi oo dad badan ay aad ugu xumaadeen.
Sheekadani ayaa noqotay tii ugu xumeyd ee soo marta Soomalida qurbaha soo aaday iyadoo dadka degaanka ay aad ugu farxeen warkaasi kasoo yeeray Booliska waxana ay qaarkood u arkaan in arintani ay tahay mid kusoo noqotay magaalada Balanbale iyadoo gabadhaasi lagu soo aasay magaalada Gaarisa.
Kufsiga iyo faraxumeynta ayaa caadi ka ah qaarada Africa iyadoo habalaha Soo koraayo qaasatan kuwa aanan weli qaangaarin ay ugu daran yihiin dhibaatada joogtada ay u geysanayaan Ragga ma naxayaasha ah ee doonaya in ay sharafta ka qaadaan Dumarka kuwaasi oo qaarkood uga dara dil iyo Gowrac.
Kulan albaabada u xirnaa oo  habeen hore Madaxtooyada ku yeeshan Xasan Sheekh iyo Saacid
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya, in xalay Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu kulan gaar ah la qaatay Raa’isal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Madaxda Soomaaliya, ayaa waxa ay ka wada hadleen dadaalada, ay ku doonayaan in isku shaandheynta loogu sameeyo Golaha Wasiirada, sidoo kalana loogu ballaariyo.
Madaxweynaha iyo Raa’isal Wasaaraha, ayaa iska kaashanaaya soo xulista iyo magacaabida, xubnaha kamidka noqonaaya Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Raa’isal Wasaaraha ku biiriyay fikirkiisa ku aadan, xubnaha loo soo xuli karo Wasiirada cusub.
Raa’isal Wasaare Saacid, ayaa iminka waxa uu u muuqdaa mid heerkii ugu dambeysay maraaya, ee isku shaandheynta uu ku sameynaayo Golihiisa Wasiirada.

Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maalmihii la soo dhaafay, siyaabooyin gaar gaar ah ula kulmaayay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ee nidaamka 4.5 lagu soo xulay. Isagoona ku boorinaayay inay aqbalaan, hadba wixii uu miiska la yimaado Dr. Saacid.
Farmaajo oo mudda kadib Waraysi culus bixiyey & Arrimo badan oo uu shaac qaaday
Isagoo ka qeyb galayay Barnaamij dood ah oo ka baxayay Tv-ga Universal oo looga hadlayay qaabka Ciidamada dowlada Somalia lagu caawin karo isla-markaana loo dhiso karo ciidan qaran oo Karti leh, ayuu sheegay Ra’isul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, in Taasi ay tahay mid sahlan laakiin u baahan go’aan dhab ah .
Farmaajo, ayaa dib u milicsaday waqtigii uu Somalia Ra’isul wasaaraha ka ahaa , waxaana uu sheegay in shaqadii ugu horeysay ee uu wax ka badalay inay aheyd nidaaminta iyo dhismaha Niyada Ciidamada dowlada Somalia.
Maxamed C/laahi Maxamed Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia isla-markaana Taariikh wanaagsan ku leh Dalka Ciidamaduna ay aad u jeclaayeen, ayaa tilmaamay in Ciidamadu ay Yihiin Muhiimada ugu horeysa , isagoo sheegay in ay leeyihiin karti iyo awood xoogan balse waxa ka maqan ay tahay Dhiiri galin iyo in Niyad dhis joogto ah la siiyo.
” Anigu Talo uma soo jeedinayo waayo dowladu waxay leedahay Nidaam u degan oo ay qorsheyneyso inay wax uga badasho qaabka ciidamada , laakiin wixii talo ah oo ay iiga baahdaan waan siiyaa walina diyaar ayaan u ahay ” ayuu yiri Farmaajo.
Wuxuu sheegay markii Xilka loo dhiibayay in ciidamadu ay ahaayeen kuwo niyad aan heyn balse uu ku fakaray sidii uu damiirkooda usoo nooleyn lahaa rag badan oo ay ganacsato ku jiraan ayuu tilmaamay inay ka gacan siiyen arintaas , waxaana uu shaaciyay in dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay uu u mahad celinayo.
“Hadii Akariga Niyad dhis loo sameeyo Agabka uu u baahan yahay la siiyo Baahidiisa iyo dharatiisa la ogaado Raashinkiisa Mushaarkiisa, iyo Dawadiisa la ogaado kii Dhintana reerkiisa laga war hayo oo aan la dhihin bel wuu geeroyooday kaliya waxaan hubaa in Ciidamadu ay kusoo laaban doonaan sidii waagii Bari samaadkii ay ahaan jireen oo kale ama kuwa hada caalamka ka jira ee awooda lagu tiriyo.
Ugu dambeyn wuxuu u mahad celiyay isla-markaana Salaan hawada uu u mariyaya Saraakiishii Ciidamada ee Xilligii uu Ra’isul wasaaraha ahaa Sida , General Dhaga badan, General Saneey, General Maaalin iyo saraakiil kale oo intooda badan aan xilal ka heyn dowlada iminka Jirta.
Madaxweyne Xasan oo la kulmay Gudiga golaha amaanka ee Midowga Africa
 Muqdisho- Afhayeenka Aqalka madaxtooyada Somalia ahna la taliyaha Madaxweynaha Somalia Engneer c/raxmaan cumar Cismaan yariisoow, ayaa warbaahinta wuxuu uga warbiaya gudi ka socday Gudiga golaha amaanka ee Midowga Africa .
Wuxuu sheegay in Ujeedka ay gudigan ay soomaaliya ay u yimaadeen inay tahay u kuur galida xaalada am nee Somalia iyo baahiyaha Ciidamada dowlada Somalia iyo Kuwa AMISOM .
Afhayeenka ayaa sheeegay in Guddigaas oo ka koobanyihiin 15 da,l ay kaliya ka maqan tahay Dowlalada Masar, inkastoo sababta uusan sheegin balse wuxuu sheegay inay iminka diyaar u yihiin iay muujiyaan taageerada ay u hayaan dowlada Somalia.
Gudigan ayuu sheegay inau aqbalen isla-markaana ay u hagaansameen fikirkii madaxweynaha Somalia ee ahaa in la qalabeeyo isla markaana la tayeeyo coodamada Somalia taas uu ku sheegay inay tahay mid guul ah .
“ Markii ugu horeysay Taariikhda caalamka Somalia ayaa Caalamka waxaa  kala hadli doona Gudiga Golaha Amniga ee Midowga Africa, waxaana QM la hor geyn doono warbixin loga codsanayo in ciidamada Somalia la qalabeeyo isla-markaan laga dhigo kuwo tayeeysan” ayuu yiri Yariisoow.
Hadii la tayeeyo ciidamada dowlada Somalia ayaa la aamin san yahay in ay awod uyeelan karaan xaqiijinta amniga dalka isla-markaana laga maarmi karo ciidamo shisheeyo 
Midowga Afrika oo ka xumaaday hadal ka soo yeeray Ban Ki-Mon
 Addis Ababa - Midowga Afrika ayaa ka xumaaday hadal uu u jeediyay xoghyaha guud ee Qaramada Midoobay golaha loo dhan yahay, kaasoo sheegay in loo baahan yahay ciidamo gaaraya ilaa 4,500 oo askari, si loo xoojiyo dagaalka lagula jirro Al-Shabaab.
Midowga Afrika ayaa tiradan ku tilmaamtay mid aad u yer oo aan waxbo ka taraneynin dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.
Midowga Afrika ayaa codsaday lix kun oo askari kuwaasoo lagu daraayo tirada hadda joogta oo ah 18,000 oo askari.
Midowga Afrika ayaa sheegay in loo baahan yahay ciidamo dheeraad si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo bishii hore weerar ku qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee Nairobi.
Mr. Ban ayaa soo jeediyay in la qalabeeyo ciidamada AMISOM oo la siiyo qalab iyo diyaarado si loo sii wado guulaha ay ka gaarayaan Al-Shabaab.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay weerarro Al-Shabaab ay ka geesato dalka iyo dibadiisa.
Midowga Afrika ayaa dhawaan golaha ammaanka QM ka codsaday in ciidamada AMISOM la siiyo diyaarado dagaal si loo xoojiyo dagaalka lagula jirro Al-Shabaab.
Ciidamada AMISOM ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay guulo ka sameeyay dagaalka Al-Shabaab, waxaana ay ka qabsadeen labo magaallo oo muhiim ah oo ay ku jirto Kismaayo.
Maxaa ka jirra Taliye sarre oo Al-Shabaab in uu ku noolaa dalka Ingiriiska?
London- BBC-da ayaa ogaatay mid ka mid talyaasha sar sare ee Al-Shabaab in uu ku noolaa dalka Ingiriiska.
Ninkan oo lagu magacaabo Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir (Ikrima) waxaa la sheegay sannadkii 2004-ta in uu magangalyo ka codsaday dalka Norway balse waa laga diidday, waxaana la sheegay in uu aaday dalka Ingiriiska.
Ninkan ayaa wuxuu ka mid yahay saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, wuxuuna u qaabilsan yahay isku xirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.
Ikrima ayaa la sheegay in uu ahaa maskaxdii ka dambeeyay weerarkii bishii hore lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee Nairobi oo ay ku dhinteen 67-qof oo lix ka mid ah ay ahaayeen ciidamada ammaanka Kenya.
Ninkan ayaa magaciisa si weyn u soo baxay markii ciidamada kumaan dooska Maraykanka ay weerar ka geesteen magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose, weerarrkaas waxaa lagu beegsanayay Ikrima balse wuu ka badbaaday.
Wuxuu ninkan xiriir la lee yahay haweeneyda Samasa lithuwe oo ninkeeda uu ku dhintay weerarrkii sannadkii 2005-ta lagu qaaday magaalada London.
Villa Somalia oo la dhaliilay
 Muqdisho - Ku dhawaad Todobo ruux oo ka mid ahaa Shaqaalaha Madaxtooyada Somalia, kuna heyb ahaa Madaxwenihii hore ee dowlada KMG aheyd Shariif Shiikh Axmed ayaa Shaqadii laga eryay sida warar soo baxayo ay sheegayaan.
Mukhtaar Abuukar Macalin, waxa uu ka mid yahay sida uu sheegtay waxgaradka kasoo jeeda  Beesha Madaxweynihii hore ee Somalia,  Agaasimaha Madaxtooyada ayuu ku eedeeyay, in gelinkii dambe ee Khamiistii uu shaqada ka ceyriyay, laba kamid ah darawaladii  Shariif Sheekh Axmed,  Hayeeshee Iminka darawalo u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh
Wuxuu sidoo kale sheegay in hore Villa Somaliya looga ceyriyay shan kaloo, kamid ah Shaqaalaha Villa Somalia ka hawlgala, ee ku heybta ah Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay inuusan sababta ogeen ilaa iminka
Shaqaalaha shalay laga fariisiyay Shaqada lagana ceysriyaya Madaxtooyada Somalia , ayuu sheegay in xitaa loo diiday, wixii Xuquuq ahaan, ee ay ku lahaayeen Dowladda.
Heshiis ay wada galeen  Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu tilmaamay inay qeyb ka heyd inaan shaqaalaha Madaxtooyada aan shaqada laga eryin balse iminka Balantaas uu ka baxay Madaxweynaha
Mukhtaar Abuukar Macalin, ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacada SKY NEWS ee magaalada Muqdisho.
Al-shabaab oo Toogatay nin Kufsaday Gabar 9 Sano Jir ah kadibna dilay
 Beydhabo - Sida warar aan heleyno ay sheegayaan al-shabaab  ayaa xukun dil toogasho ah waxay ku fuliyeen nin la sheegay inuu  kufsi u geystay gabar yar oo safgaal sano jir ah .
Cabdi Kwaarey, oo ah ruuuxa la toogtay ayaa la sheegay in meel aan sidaasi  uga fogeyn howgeeda inuu ka kexeystay gabadha 9 sano jirka ah ee uu kufsaday, waxaana dhacdadan ay ka dhacday deegaanka 20- Jiroow oo 60km u jirta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
ninkan ayaa la sheegay in arintaas uu sameeyay todbaadkii hore,waxaana wararku ay sheegayaan in markii uu kufsaday kadib inuu Meydkeeda ku tuuray meel god ah inkastoo goor dambe la arkay.
Al-shabaab ayaa sheegay in maykeeeda ay arkeen ciidamo ka tirsan iyaga , waxaana la tilmaamay xilliga meydkeeda la arkayay inuu mahaa mar uu jirkeedi oo dhan uu doordoomay .
Ururka Al Shabaab, howl galo ay sameeyeen Ciidamdooda Xisbada ah  waxay kusoo qabteen Cabdi Kawaarey,  kaasi baaritano kadib al-shabaab ay xukun dil ah ku xukumeen .
Maxkamada, waxay fagaaro cad kasheegtay in Cabdi Kawarey uu qirtay, in uu isagu ka dambeeyay kufsiga iyo dilka ee gabadha yar ha yeeshee maysan soo bandhigin cadeymo arintaasi muujinaya.
Dowlada Austaralia Oo ka digtay Weeraro ka dhaca dalka Kenya
Sidney (Sh M Network)–dowlada Austaralia ayaa waxa ay ka digatay Weeraro Aragagaxiso oo ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan Magaalo xeebeedka Mombassa ee dalka Kenya.
Warka kasoo baxay dowlada Australia ayaa waxa lagu yiri Kooxa Islamiyiinta aah waxa ay qorshaynayaa in Weeraro kagaystaan Hoteelada ku yaala Magaalaad Mombassa iyadoo uga digtay Dalxiisayaasha ajaaniiibta ah in ay u safraan Magaalo Xeebeedka Mombassa ee dalxiiska loo tago.
Waxaanu uga digaynaa ajaaniibta ku sugan Kenya in ay booqdaan ama u dalxiistagan Magaalada Mombassa waayo xili walba waxa la filankaraa Weeraro kooxa Islaamiyiinta ay ka gaystan ayaa lagu yiri Wara kasoo baxay dowlada Australia.
Hadalka kasoo baxay dalka Austaria ayaa waxa uu imaanayaa xili Bishii aanu kasoo gudubnay Weerar xoogan lagu qaaday Xarun ganacsi oo kutaala Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Isku day dil & Mas’uuliyiin Somaliland ah oo Madaxa isugu Jara
 Hargaisa- Habeeno ka hor Magaalada Hargeisa ee xarunta Maamaulka Soomaaliland waxaa  uu isku day dil ka badbaaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiille oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland.
Xildhibaankan Bad baaday ayaa sheegay inay arintan  ka dambeeyeen qaar kamid ah wasiirada maamulka Somaliland ee uu higaamiyo Axmed Siilaanyo.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland ,Cabdullaahi Maxamed Daahir oo qeyb ka ah dadka lagu eedeeyay isku dayga dil oo arintaasi ka hadlay ayaa sheegay in hadal;kaas uu yahay mid aan la isaga hari doonin .
Wuxuu  sheegay in tayay eedeyntaasi mid la doonayo in meel loogu dhaco sharaftiisa waxaana uu Tilmaamay  in axkamad uu la tiigsan doono Xildhibaan Maxamed Faarax hadii uu cadeymo keeni waayana sharci uu ka qaban doobo sida uu sheegay
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka Somaailand ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo dhankisa arintan ka hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaailand ay ku lug lahaadaan qorshe lagu khaarijinayo mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland oo sida uu sheegay howl u haya shacabka Somaliland.
Warar soo baxaya ayaa sheegay in ruuxii falkan geystay oo wali ku dhuumaaleysanayo magaaalada Harigeisana , Ciidamada maamulka Somaliland ayaa la tilmaamaya inaysan wali sameyn Howlgalo arintaasi ku aadan oo ay ku daba galayaan ruuxii isku dayay inuu xildhinaaanka qaarijiyo , taas oo shaki ku abuurtay shacabka reer Hargaisa sida ay sheegeen


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...