Thursday 14 November 2013

Gudoomiyaha Baarlamaanka “Shacabku Ha Is Dejiyaan,Hana Ku Kalsoonaadaan Golaho

Gudoomiyaha Baarlamaanka “Shacabku Ha Is Dejiyaan,Hana Ku Kalsoonaadaan
Golahooda Shacabka” “VIDEO+Cod”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari ayaa maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho
Shirjaraa’id oo uu uga hadlayo marxaladda uu marayo Dalka gaar ahaanna
dhanka siyaasadda isagoo fariin gaar ahna ukala diray Xildhibaannada
Golaha Shacabka,Shacabka Soomaaliyeed iyo Saxaafadda.

“ugu horeyn waxaan rabaa inaan u jeediyo Xildhibaannada Baarlamaanka
Federaalka inaan ku adkeeyo ama uga digo in arimaha khilaafaadka siyaasiga
ee laanta fulinta ka jira aysan u ololeyn ama Warbaahinta uga hadlin taasi
oo aan ula jeedo hadii khilaafaad siyaasi ah ay yimaadaan oo Madaxda dalka
dhexdeeda uu khilaafaad siyaasi ah soo kala dhexgalo hor iyo horaan waxa
weeye odayaal baa la yahay oo walaga fariisanayaa,waa laga wada
hadlayaa,waana la xalinayaa,hadii ay taasi dhici weyso waxey usoo biyo
shubaneysaa in Golaha Shacabka ay timaado maadaama ay taasi tahay
mas’uuliyadda Baarlamaanka loo sameeyey in arimahan oo kale go’aan uu ka
gaaro”ayuu hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa
tilmaamay in Xildhibaanku ka joogo arintan halka Qaadiga ama garsooraha uu
ka joogo xukunka mana haboona ayuu yiri in Qaadiga ayada oo xukunka uu
xafiiskiisa dhexyaalo aanay habooneyn inuu banaanka ugasii hor dhaco
arinta uu xukumayo ama go’aanka ka gaarayo waxaana uu ku baraarujiyey
Xildhibaannada Golaha Shacabka iney dhowrtaan mas’uuliyadooda
Xildhibaannimo iyo awoodda ay leeyihiin oo aanay dhicin in warbaahinta
laga ololeeyo maadaama aanay hada lagu jirin ololle oo lagu jiro xalin ama
maslaxad.

“arinta Labaad ee aan doonayo inaan ka hadlo waxey tahay Xukuumaddu weey
noo shaqeyneysaa, adeegga shacbiga loo hayana wuu socdaa,wax xumaanaya
haba yaraatee ma jirto sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed ka
codsanayaa  iney kalsoonidooda qabaan,mahad Alle ayaa leh maanta waxaan
leenahay Gole Shacbi oo shaqeynaya  oo u duuban hogaaminta siyaasadda
dalka iyo maareynta dhibaato kasta oo timaada,qof ahaan aadbaan ugu
kalsoonahay in Golahan Shacabka ay aqoon iyo karti buuxda u leeyihiin iney
xaliyaan mushkilad kasta oo timaada,shacabkana waxaan ka codsanayaa iney
ku kalsoonaadaan”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in mahad
kale oo Alle looga mahad celinayo ay tahay in dalku leeyahay shuruuc iyo
Dastuur oo arimahan oo kale lagu kala maareeynayo sidaas darteedna aysan
jirin wax xumaanaya oo ay tahay in la is dejiyo oo aan loo baahneyn in wax
la buun buuniyo oo qof kasta uu ogaado iney dalkan mas’uuliyad ka
saarantahay oo uu ku fekero sida xal loo gaari karo oo wax loo xasilin
karo.

“arinta ugu dambeysa waxaan u jeedinayaa Warbaahinta iyo
Saxafiyiinta,dadka saxafiyiinta ee warbaahinta ku shaqeynaya dhammaan
waxaan xusuusinayaa in qalinka iyo qalabka aad ku shaqeyneysaan uu idiinku
yahay Allena idinkula xisaabtamayo,arin fiican ma ahan inaad buun
buunisaan waxaanan jirin ama kuturukuteen ah oo aan loo baahneyn aad
umadda ku jahwareerisaan, mas’uuliyad ayaa ku saaran,muwaadinbaad tahay oo
dalkan mas’uuliyad ayaa ka saaran fadlan ha noqonina kuwo qasaaro ku shoob
ah oo noqda kuwo hormarka ku faana,Mahadsandiin” ayuu hadalkiisa kusoo
gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.

VIDEOga shirkajaraa'id ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Linkiga Hoose ka Daawo:-

http://www.youtube.com/watch?v=Z74GEZn7DPg&feature=youtu.be

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...