Friday 8 November 2013

Khasaarihii ka Dhashay Qaraxyadii Caawa ka Dhacay Muqdsiho oo Kordhay iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay (SAWIRRO)


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Khasaarihii nafeed ee ka dhashay laba qarax oo is-xigay oo caawa fiidkii ka dhacay hoteel Maka Al-Mukarama ayaa kordhay iyadoo tirade dhimashadu la sheegay inay gaartay lix qof iyadoo ay ku dhaawacmeen tobaneeyo qof oo kale, kuwaasoo uu ku jir xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo, Sooyaan Cabdi Warsame.
Ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa isku gadaamay hoteelka oo dhan, iyadoo xaaladdu ay daggan tahay, welina ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay weerarradaas.
Wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabo Canshuur Nuur ayaa sheegtay in 11-qof ay ku dhinteen qaraxyadaas caawa ka dhacay Muqdisho, inkastoo wasiirka arrimaha gudaha & amniga Qaranka, C/kariin Xuseen guuleed uu sheegay goor sii horreysay inay dhinteen afar qof 15 kalena ay dhaawacmeen.
Al-shabaab oo laba sano ka hor ka baxday Muqdisho ayaa qaraxyo u badan ismiidaamin ka geysanaysay caasimadda Soomaaliya tan iyo markii ay isaga baxeen caasimadda oo qaybo badan oo ka mid ah ay ka talinayeen sannado dhowr ah.
Qaraxyadan oo ahaa laba ayaa mid ka mid ah oo aan xooganayn wuxuu ka dhacay gudaha hoteelka, iyadoo daqiiqado kaddibna la maqlay qarax kale oo weyn, kaasoo ka dhacay afaafka hore ee hoteelka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadan, isagoo ku tilmaamay kuwo fulaynimo ah oo ay kooxaha geystay ku beegsadeen dadka shacab ah oo aan waxba galabsan.
“Waan cambaareynayaa weerarradan fulaynimada ah, waxaana ehelladii ay dadkoodii aan waxba galabsan waxyeelladu kasoo gaartay tacsi ayaan u dirayaa. Cadowga nabaddu waxay lasoo baxeen midabkoodii ay kaga soo horjeedeen nabadda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu ku yiri warsaxaafadeed uu caawa soo saaray.
Isagoo sii hadlay ayuu yiri: “Weerarradaas argagaxiso ee fulaynimada ah ma hor-istaagi karaan horumarka ay ku socoto Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed way diyaar u yihiin inay isku kaashadaan sidii kooxdan lagu baabi’in lahaa, namana baqdin gelin doonaan.”
Tan iyo billowgii sannadkan waxay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho dhowr qarax oo ay ku jireen kuwo aan horay looga baran, kuwaasoo ay ku dhinteen tiro dad ah oo isugu jiray Soomaali iyo ajanabi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...