Monday 11 November 2013

Madaxweynaha Soomaaliya oo R/wasaarihiisa ka dalbaday inuu iscasillo iyo R/wasaaraha oo arrinta ka horyimid


Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh
Muqdisho [RBC Radio] Sida lugu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa ka dalbadey R/waraaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” inuu xilka banneeyo.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in m/weyne Xasan Sh Maxamuud oo r/wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo ka codsaday inuu is casillo, taasoo raysalwasaaruhuna uu ku gacan sayray.
Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in codsigaasi uu yimid ka dib khilaaf aan soo shaac bixin oo soo kala dhex galay m/weynaha iyo raysalwasaaraha, taasoo laga dareemay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in arrintan ay sababtay khilaaf soo dhex-galay labadan mas’uul, iyadoo ra’iisul wasaaruhuna uu billaabay inuu kulammo la yeesho la taliyeyaashiisa gaarka ah.
Sidoo kale, warar ayaa iyaguna intaasi ku daraya in mudane Saacid uu kalsooni buuxda ka waayay xubno ka mida golihiisa wasiirada, taasoo sii murjisay khilaafka labada masuul oo muddooyinkii danbe ka gaabsanaya halka uu marayo xiriirka wada shaqayneed.
Raiisul Wasaare Saacid ayaa waxa uu kulan khaas la qaatay 25 xildhibaan oo xildhibaanada Beelaha Daarood ah isaga oo ka dalbaday in ay garab istaagaan.
saacid1q
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
Xildhibaanada uu la shiray waxaa kamid ahaa Cali Khaliif Galeydh, Xildhibaan Cali Amerika, Xildhibaan Cabdi Yuusuf, Xildhibaan Xasan Abshir iyo kuwo kale oo badan.
Illaa hadda war faahfaahsan kama soo bixin madaxtooyada iyo xafiiska raysalwasaaraha oo ku saabsan arintaasi maanta soo shaac baxday.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowr bilood ka hor sheegay inuu isku shaandheyn iyo ballaarin ku sameynayo golihiisa wasiirrada, isagoo xusay in goluhu ay noqon doonaan 23-wasiir iyo wax la mid ah, inkastoo uusan si rasmi ah carrabka ugu dhufan tirada uu ka dhigi doono golaha wasiirrada.
Mudane Xasan Sh Maxamuud aya wasiirka 1aad ee xukuumadda Soomaaliya u magacaabay Dr. Saacid bishii November ee sanadkii tagay 2012-ka waxana xiligaa uu sheegay madaxweynuhu in sababta uu Saacid ugu dooray xilkan ay tahay inuu yahay shaqsi ay si aad ah isku yaqaanaan ayna wada-shaqeyn karaan.
Wararka ilo lagu kalsoonaan karo aynu ka helayno ayaa tilmaamaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku mashquulsan yahay wadatashiyo ku aaddan sidii ay u suuro-geli lahayd in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu is-casilo, iyadoo aan la ogeyn sida uu isku bedeli karo murankan siyaasadeed oo meeshii ugu xumayd gaaray.
________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...