Sunday 10 November 2013

Somalia - Wararkii Maanta

Idaacada Shabelle oo Maalintii 15aad u xiran DF Soomaaliya
idaacada Shabelle oo ah idaacad madax banaan oo Xarunteedu tahay Magaalada Muqdisho ayaa xiran Maalintii 15aad kadib markii Ciidamada Dawladda ay soo galeen xoogna ku xireen idaacada Shabelle maalin Sabti ah oo ay Taariikhdu ku beegnayd 26 Oct 2013  iyadoo Shaqaalihii idaacadana la xiray inkstoo maalintii maqribkii la sii daayey kuwaa oo tiradoodu ahayd 37 Wariye.
ma jirto weli xal ah oo la gaaray iyadoo gebi ahaan ay maqan yihiin qalabkii idaacada shabelle wana jirto wax war Rasmi ah oo ka soo baxay DF Soomaaliya.
Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo la aasaasay 6dii May 2002 ayaa ku soo shaqaysay marxalado kala duwan una soo dhabar adaygtay tananina waxa ay ka mid noqonaysaa marxalad Taariikhda gasha oo aan la iloobi doonin.
Idaacada Shabelle ayaa la gudoonsiiyey Abaalmarinta Idaacada ugu fiican Caalamka Sanadkii 2010 taasoo ay ku mutaysatay Dadaalkeedii shaqo ee idaacadeed, waxaana waqti ay noqotaba la filayaa in dib ay hawada u soo laabato idaacada Shabelle
Xaafada Gubta oo koronto laan ka jirtay iyo alshabaab oo amray in la damiyo (Tolow sababtu maxay tahay wax badan ka ogow warbixintaan…
Waxaa Labadaan Maalin Xaafadda Gubta oo ka tirsan Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho Ka Jirtay Koronto la,aan oo sababtay in Muddo Xaafadaas ahaato Xaafad aan lahayn Koronto Kadib Markii ciidamo ka tirsan Xarakada Al shabaab amar ku bixiyeen in la damiyo matoor weyn oo xaafada gubta qeybo ka mid ah koronto siinayay.
Sidoo kale wararka waxay intaas ku darayaan in ciidamo ka tirsan al shabaab oo hubaysan ay tagayn goob korontada bixiso oo ku taal Xafadda Gubta oo Kamid Ah Xaafadaha ka Jira Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho waxay ku amreen Shaqaalaha Shirkadda iney damiyaan matoorka oo aysan dib dambe u shidin .
Saacado kadib ayaa ciidamo ka tirsan kuwo dowladda oo degaanka joogay soo gaaray Goobta Matoorka yaalay waxayna Shaqaalaha ku amrayn in la shido matoorka laakin hadalkaas Amarka ah waxaa ka madax adeegay Milkiilaha Shirkadda Kurantada Bixisa ee ku taal Xaafada Gubta waxaana isla Goobta lagu xiray Milkiilihii.
Xiritaanka Milkiilaha kadib ayaa shaqaalihi lagu amray inay korontada shidaan iyagana way ka madax adeegeen in ay shidaan Matoorka Halkaasina waxaa lagu wada xiray Shaqaalihii Shirkadda Korantada Bixinjiray waxaana goobta soo gaaray Shaqaalo kasocday Dowladda Waxayna ku Guuleestayn in ay Shidaan Matoorkii Goobtana waxaa hadda la wareegay Ciidamo ka socoda Dowladda Soomaaliya oo Sugaya Amaanka Goobta uu yaal Matoorka .
Madaxweynaha Soomaaliya oo Xiray Shirweynihii Caafimaadka ee ka Socday Muqdisho
Shirweynihii caafimaadka dalka oo mudada sedaxda maalin ka socday magaalada muqdisho ayna ka qeyb galayeen quburo iyo xirfadlayaasha caafimaadka ayaa waxaa laga soo saaray shan qodob oo saldhig u noqonaya horumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya,kaddib aragtiyo iyo doodo kala duwan oo ay  isku geeyeen xirfadlayaasha,quburada caafimaadka iyo wasaarada horumarinta adeega bulshada,waxaana gunaanadkii maanta ka soo qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirka wasaarada horumarinta adeega bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed, wasiir ku-xigeenka wasaarada horumarinta adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,ergadii shirka ka qeyb galeysay iyo marti sharaf kale.
Dr khaliif Bille Maxamuud oo kamid ah quburada caafimaadka ee ka qeyb gashay shirweynaha caafimaadka ayaa ugu horeyn goobta ka aqriyay shanta qodob ee ku aadan horumarinta caafimaadka dalka,kuwaa oo kasoo baxay doodihii iyo aragtiyadii ay  is-dhaafsadeen ergadii shirka ka qeyb gashay.
Qodobada ka soo baxay shirka ayaa waxaa ka mid ah:-
1: In la sameeyo maamulka caafimaadka iyo maareeyntiisa
2: In la sameeyo siyaasad iyo istiraatiijiyad caafimaad
3: In dib loo habeeyo nidaamka iyo sharciyada caafimaadka
4: In la xoojiyo hogaanka iyo maareeynta guud ee caafimaadka
5: In la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ay wasaaradda caafimaadku la leedahay hay’adaha si loo helo wada shaqeyn fiican,taasi oo horseed u noqoneeysa ka faa’ideysiga dhaqaalaha kooban ee soo gala dalka xaga caafimaadka.
Drs Maryam Qaasim Axmed wasiirka wasaarada horumarinta adeega bulshada xukuumadda soomaaliya oo ka hadashay xiritaanka shirweynaha ayaa ku cel celisay in dowladda ay muhiimada weyn siineyso caafimaadka,iyadoo horumar ku tilmaantay qodobada shirkan ka soo baxay.
Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa madaxweynaha ka codsatay in muhiimad gaar ah la siiyo caafimaadka dalka.
Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray shirweynaha caafimaadka ee mudada sedaxda maalin ah socday ayaa jeediyay khudbad uu dhowr arrimood kaga hadlayo isagoo balan qaaday in ay muhiimad weyn dowladiisu siin doonto sidii adeeg caafimad oo tayo leh ay dadka soomaaliyeed u heli lahaayeen iyo dhaqan galinta shanta qodob ee saldhiga ah horumarinta caafimaadka dalka oo laga soo saaray shirweynaha caafimaadka.
“Waxaan balan qaadeenaa wixii karaankeena ah in aan ku kabno hooyada,canuga iyo waayeelka soomaaliyeed in uu caafimaad helo hadii alle idmo,iyo in qof waliba oo soomaali ah uu meesha uu joogo uu ka helo meel uu daawo u doonto marka uu xanuunsado”Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhakhaatiirta iyo quburada caafimaadka ee ka qeyb galay shirweynaha looga hadlayay caafimaadka dalka ee maanta la soo gabagabeeyay ayaa si wadijir ah u qeexay in hadii ay dhaqan galaan shanta qodob ee saldhiga u noqonaya horumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya ee ka soo baxay shirka ay wax badan ka badali doonaan xaaladaha caafimaad xumo ee ka jira Soomaaliya.
Wadooyinka Muqdisho oo markii u horeysay muddo 20-sano laga hirgeliyay nalalka Samaafaraha
 Qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay muddo labaatan sano ah maanta laga hirgeliyay nalalka samaafaraha ee kala haga gaadiidka isticmaala wadooyinkan.Taliyaha Ilaalada Nabadgelyada wadooyinka ee Taraafikada Jen. Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa sheegay in nalalka Samaafaraha uu ka qeyb qaadanayo sharciga iyo nidaamka wadooyinka, isagoo ugu baaqay wadayaasha gaadiidka inay u hogaansamaan sharciga.”Nalalka Samafaaraha waxaa si tijaabo ah looga hirgeliyay wadada maka Al-Mukarama oo ah markii u horeysay muddo labaatan sano ah, waxaan rajeynayaa inay wadayaasha u hogaansamaaan sharciga”ayuu yiri Jen. Cali Gaab.
Sarkaal ka tirsan al shabaab oo la dilay, (Magaca Sarkaal la dilay)
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maleeshiyada daacada u ah hogaamiyaha al shabaab ay dileen mid ka mid ah saraakiisha ugu caansan maleeshiyada shabaab.Sida laga soo xigtay xubno muhiim ah oo shabaab ka tirsan dablay daacad u ah Axmed Cabdi Godane oo shabaabka dhexdooda loogu yeero Mukhtaar Abuu Zubeyr ayaa dilay horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo lagu magacaabo Jiinoow Ibraahim Aadam oo loo yaqaanay (Macalin Jinow).
Macalin jinow ayaa horey gacan saar la lahaa horjooge Axmed Godane.
Maleeshiyaadka ka amar qaata horjooge Axmed Godane ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Raamacadeey oo ka tirsan gobolka Bay halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad uu watay Macalin Jinow.
Labada maleeshiyo ayaa sida wararku sheegayaan waxaa dhex maray dagaal culus,iyadoo ugu danbeeyntii laga itaal roonaaday maleeshiyaadkii uu watay Macalin Jinow waxana la soo qabtay qaar ka mid ah maleeshiyaadka oo uu ku jiray.
Maleeshiyaadka ka amar qaata horjooge Axmed Godane ayaa keenay Macalin Jinow tuulo u dhaxeeysa Qoryooleey iyo Baraawe halkaasi oo ay ku dileen.
Maleeshiyaadka ka amar qaata Axmed Godane ayaa horey u dilay horjoogayaal waaweeyn oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab waxaana ka mid ahaa Ibraahim Afghan,Macalin Burhaan,iyo abuu Mansuur Al-amriikii halka uu naftiisa kala soo baxsaday Xasan Daahir Aweys oo hada ku jira gacanta dowlada soomaaliya.
Qasaaraha ka dhashay qaraxii xalay oo sii kordhay iyo Al-Shabaab oo sheegatay (Sawirro)
 Qasaaraha ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa kordhay, iyadoo weerarkan ay sheegteen Xarakada Al-Shabaab.Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Col. Maxamed Cumar Madaale ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteenilaa shan ruux, 25-kalena ay ku dhaawacmeen, isagoo tilmaamay inay gacanta ku dhigeen Ciidamada ammaanka ruux doonayay inuu isku qarxiyo gudaha Hotelka Maka Al-Mukarama.
Fanaanada Muslimo Qaasim Hilowle oo Hees Dhiiri Galin Ah oo Ku Saabsan Nabada Muqdisho Soo Bandhigtay .
Fanaanad caan ah oo Hees Dhiiri galin ah oo ku Saabsan Nabada Muqdisho soo Bandhigtay Magalada Moqdhisho ayaa Ka soo ka banayso dhibaatoyin horey ugu jiray Caasimada Dalka waxayna hada u Muqata Maagalo si weyn loogu soo Qul Qulayo Nabada ka jirta waxayna Dadka soo Garaya Caasimada Dalka ay ku shegayan in haday Xammar Hagaagto Dalka intisa ay Hagaagayan.
Cabdi Weli Gaas oo Soo Gaaray Galkacyo Laguna Soo Dhaweeyay .
Cabdiweli Gaas oo ka mid ah Musharaxiinta u tartamaya doorashada Puntland ka dhici doonto bisha Janaayo ayaa ka degay maanta garoonka magaalada Gaalkacyo, halkaasoo si diiran ay ugu soo dhoweeyeen taageerayaashiisa.
Waxgarad, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta Musharax Cabdiweli Gaas, isagoo hadal uu u jeediyay Saxaafadda ku sheegay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxtinimada Puntland.
Cabdiweli Gaas ayaa bulshada Puntland ka codsaday iney ka shaqeeyaan sidii doorashada Puntland ugu dhici laheyd si nabadgelyo leh, wuxuuna ka digay in ciidamada amaanka aan loo isticmaalin si qaldan si doorashada loo qalqal geliyo.
Puntland ayaa 8 Janaayo waxaa la filayaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynenimo oo u tartamayaan musharaxiin badan, waxaana socda loolanka loogu jiro doorashadaasi.
Mid ka mid ah abwaanadii Somalia ugu caansanaa oo ku geeriyooday London
London (Caasimada Online) Magaalada London ee dalka Britain, waxaa ku geeriyooday Allaha ha u naxariisto Abwaanka weyn ee  Sahal Macalin Ciise.
Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee London ayaa sheegay in abwaanka uu xanuusanayay muddooyinka dambe.
Allaha ha u naxariisto Abwaan Sahal Macalin Ciise ayaa ka mid ahaa abwaanada ugu caansan dalka Soomaaliya, waxaana uu sameen jiray heesaha afka Maayka ah.
Waxaa uu sameeyay heeso badan oo uu qaaday fannaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar, waxaana uu caan ku ahaa HEESAHA HUBUROW.
Haddaba maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online, waxa ay halkan tacsi uga dirayaan ehelka iyo dhammaan dadka uu ka baxay marxuum Sahal Macalin Ciise gaar ahaan fannaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
ETHIOPIA oo dooneyso in ay ku biirto ciidaamada AMISOM (Mowqifka DF?)
Addis Ababa- Warbaahinta Kenya iyo Ethiopia ayaa ku warramaya in ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu sheegay in ciidankiisa ay diyaar u yihiin in ay ku biiraan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM.
Arrintan ayaa soo baxday kaddib markii ay Kulan ku yeesheen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto magaalada Addis Ababa.
Ethiopia ciidamo badan ayaa ka jooga dalka Soomaaliya, kuwaasoo dagaallo xooggan la galay Al-Shabaab kana qabsaday dhul badan.
Bishii hore ayaa Midowga Afrika waxa uu sheegay in uu u baahan yahay in la kordhiyo ciidanka AMISOM ee Soomaaliya jooga oo lagu daro lix kun oo ciidan oo dheerin ah.
Dadka Soomaalida ma jecla ciidamada Ethiopia waayo waxaa labada dal dhex maray dagaal qaraar sannadkii 1977-dii, balse xiriirka dowladahaa Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa hadda wuxuu mid wanaagsan waxaa dhawaan magaalada Muqdisho tagay wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia.
Ciidamada AMISOM oo hadda tiradooda gaareyso ilaa 18,000 oo askri waxa ay ka socdaan waddamada Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya iyo Siriliyoon.
Weli ma cadda mowqifka dowladda Somalia ee arrintan, inkasta oo ay hadda DF ay raali ka tahay joogitaanka ciidamada Ethiopia ee Somalia.
   Laba warqad oo jahwareer ka abuuray Muqdisho & Odayaal qeyliyey (Daawo Sawirro)
Odayaal Dhaqameedyo kasoo jeeda deegaanka Gobalka Banaadir ayaa ugu baaqay Dowladda in ay wax ka qabato Dhul danta guud ah oo ay dhisanayaan dad shaqsiyaad ah.
Odayaashaan oo manta shir isugu yimid ayaa waxa ay baaq udireen Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu sareeyaan Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamaanka, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxa ayna ka codsadeen in ay soo faragaliyaan Dhul la sheegay in uu yahay danta guud, gaar ahaan gaar ahaan jardiin ku yaalla isgoyska Falooransa oo ka tirsan Degmada Warta nabadda Ex Wardhiigley ee Gobalka Banaadir.
Xabiibo Ismaan oo leh booska ku dhagan Dhulka Banaan ee Jardiinada ah oo iyadana goobjoog eheed kulanka ayaa waxa ay tilmaantay in ay dacwad iyo cabashaba ugudbisay Dowlada hoose ee gobalka Banaadir kadibna lasoo siiyay warqad ay dowladda hoose ku amreeyso in aan ladhisan Karin guud ahaan dhulalka jardiinada ah ee kuyaala dhamaan dagmooyinka Gobalka Banaadir.
Si kastaba waxay sheegtay in ninkii boobka ku dhisananay dhulkaasi jardiinada ah isna lasoo siiyay warqad ruqso ah oo iyana kasoo baxday isla dowladda hoose markii ay isku dayday in ay is hortaagto howsha dhisidana la jirdilay dhaawacna loo geestay.
Sidoo kale Xabiibo ismaan waxa ay tibaaxday in iyadu ay xitaa diyaar u tahay in ay dhisto jardiinkaas maadaama uu ku dhaganyahay dulka ay iyadu dagantah
Mo Farah endorses female British-Somali MP hopeful
 STAR BACKING: Amina Ali and Mo Farah
Amina Ali gains support of popular Somali-born British Olympic champion in fierce selection campaign taking place in Harrow East this month.
A WOMAN hoping to become Britain’s first female MP of Somali heritage has received the backing of Team GB’s golden Olympic hero Mo Farah.
Amina Ali, founder of the Labour Friends of Somali who is battling with Helen Dennis and Uma Kumaan to become Labour’s Prospective Parliamentary Candidate (PPC) in Harrow East, received a “well done and carry on” from the Olympic champion.
The long distance runner who holds the European record for the 10,000m might have moved to the United States for better sport training but his support for Ali shows the popular athlete is still interested in current affairs at home.
Ali believes that Farah, who was born in Somali but raised in London from the age of 8, threw his support behind her campaign in order to help get other Somalis in the UK more involved in politics.
“He was quite encouraged that I am British Somali and I was getting involved in politics,” Ali told The Voice.
Members of the Labour party in Harrow East will decide this month (Nov 16) whether to select Ali, Dennis or Kumaan as their representative for the next general election which will take place in 2015.
But Ali who has already received a major boost with the support from the long distance runner could also benefit from the rising BME population in the area.
Recent data shows that 3.5 per cent of people that reside in Harrow East are Black African, many of which many are Somalis.
Ali who had previous intentions of standing in Brent Central – currently held by outgoing Liberal Democrat Sarah Teather – hopes the Somali community would come out to vote.
“I like getting communities to get involved in politics. I want them to know that they have power to [bring] change,” she said.
The MP hopeful encouraged members to nominate her, and added: “I hope the people of Harrow East will select somebody that has the background and vision to win.
“I hope they select me because I have the experience. I have a lot to offer. I have good experience having worked as a researcher for Tony Benn. I know how Parliament works [and] I can work in a diverse setting.”
Typhoon Haiyan: Thousands feared dead in PhilippinesRupert Wingfield-Hayes reports from the airport at Tacloban: ''A scene of complete devastation''
Police in the Philippines say they fear 10,000 people may have died in the devastation wreaked by Typhoon Haiyan.
The Philippine government has so far only confirmed the death of several hundred people after the storm struck.
But regional police chief Elmer Soria said he was told by the provincial governor of Leyte that there were about 10,000 deaths on the eastern island alone.
Hundreds of thousands of people are reported displaced from their homes.
The BBC's Rupert Wingfield-Hayes reports that the scene in the city of Tacloban on Leyte island is one of utter devastation.
Houses in Leyte's capital have been flattened by the massive storm surge that accompanied Typhoon Haiyan.
There's no clean water, no electricity and very little food.
City officials said they were struggling to distribute aid and that looting was widespread.
Our correspondent says hundreds of people are at the airport, itself badly damaged, trying to get on a flight out of Tacloban.
----Iran nuclear: Geneva talks 'something to build on'Iranian Foreign Minister Mohammad Javad Zarif: ''We are all on the same wavelength''
Talks between world powers and Iran have failed to reach an agreement on Tehran's nuclear programme.
EU foreign policy chief Catherine Ashton told a press conference that there had been a lot of "concrete progress but some differences remain".
Baroness Ashton, who coordinated talks, said they would resume on 20 November.
Iranian Foreign Minister Mohammad Javad Zarif said he was not disappointed with the outcome, and that the talks were "something we can build on".
He said all parties were "on the same wavelength" and "there was the impetus to reach an agreement".

Meanwhile US Secretary of State John Kerry said: "There is no question in my mind that we are closer now than we were before."

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...