Tuesday 24 December 2013

Maayarka Boorama oo ka Hadlay Arrimo muhiim ah oo ay Shacabku Su’aalo fara badan iska Weydiinayeen Maalmahan


Arbaco, December 25, 2013 (HOL) — Maayarka magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, Saleebaan Xasan Xaddi ayaa ka warbixiyay arrimo maalmahan dambe su’aalo fara badan iska weydiinayeen dadweynaha ku nool magaalada.
Maayarka ayaa ka dhawaajiyay halka ay ku dambeeyeen qorshayaashii dhismaha waddooyinka Sh. Cali Jawhar ee laamiga laga dhigayay iyo sidoo kale dhismaha buundada xaafadda Sh. Cismaan oo ah mid baahi wayn loo qabo, isagoo sheegay inay saxiixeen heshiiskii lagu dhameystirayay labada dhisme.
“Waa Alle mahadii oo maanta ayaan saxiixnay hishiiskii dhismaha xaafadda Sh. Cali Jawhar oo laami laga dhisayo, waxaana uu laamigaasi ku dhismayaa iskaashiga dowladda iyo dadka xaafadda. Sidoo kale waxaan sheegayaa in aan wadno qarsheynta dhismaha buundada xaafadda Sheekh Cisman oo aan ku wadno inay noqoto buundada ugu wayn magaalada, waxaana ku talo jirnaa in dhammaan dhismayaashan ay soo gaba-gaboobmaan sannadka soo socda ee 2014-ka,” ayuu yiri Saleebaan Xaddi.
Sidoo kale, maayarka wuxuu ka hadlay cashuuraha iyo dhaliisha ka dadku ay soo jeedinayaan; kaasoo ah in shaqaalaha cashuuraha ay xaafado badan oo lacagta cashuurta ah bixiyay ay haddana mar labaad dusha ka saaraan inay canshuuro kale bixiyaan.
Xaddi oo arrintan ka hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Wax walba oo la wadaa waa dib u sixid iyo kordhin dakhli, ma jirto cid laba goor cashuur laga qaaday ama laga qaadayo, waxaa arrinta qaloocinaya waa koox tiro yar oo cashuurta la dhuumata oo aan go’aansannay inaan dibadda soo dhigno oo aan ka qaadno cashuurta waajibka ah, sidaas aawadeed waxaaan shacabka u sheegayaa in cashuurtu ay waajib tahay oo loo baahan yahay inuu qof walba bixiyo.”
Hadallada maayarka degmada Boorama ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay dadewynaha degmada hadallo badan isla dhexmarayeen, iyadoo aan la ogeyn sida hadalkan ay dadweynuhu ugu qanci karaan.
Khadra Xasan Nuux, Hiiraan Onlinekhadra@hiiraan.com
Boorama, Somaliland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...