Saturday 28 December 2013

Maleeshiyaad ku dhex dagaalamay Caasimada Liibiya ee Tripoli

NOVEMBER 8, 2013

MaleeshiyoLiibiya1
Dad ku dhaw 10 qof ayaa ku dhaawacmay, ugu yaraana waxaa ku dhintay hal qof iska horimaadyo ku dhexmaray magaalada Tripoli caasimada dalka Liibiya maleeshiyaad iska soo horjeeda.
Dagaalada u dhaxeeya maleeshiyaadka hubeysan ayaa sii xoogeysanayey muddooyinkii danbe iyadoo inta badan maleeshiyaadka kasoo qeyb qaatay kacdoonkii xukunka looga tuuray Col.Qadaafi ay diideen inay hubkooda ku wareejiyaan dowlada Liibiya.
Dagaalka xalay ayaa la isu adeegsaday hubka tiknikada soomaalida u taqaan iyo waliba lidka diyaaradaha.
Mas’uuliyiinta u hadashay dowlada Liibiya ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka hubeysan inay hubkooda soo wareejiyaan, iyagoo ka digay hadii aysan taasi dhicin in dalka Liibiya isu bedali doono sida dalka Soomaaliya, waa sida ay hadalka u dhigeenee.
Horseed Media 2013

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...