Wednesday 1 January 2014

Maamulka KMG ah ee Jubba: Shacabka ha isaga Baxaan Dhulka Dowladda

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka KMG ah ee Jubba Janaraal Daraawiish oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada KIsmaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in loo baahan yahay in Shacabka degan Kismaayo gaar ahaan Dhulkii hore ee Dowladda iyo Nawaaxiga Dekada iyo Garoonka Kismayo in ay isaga baxaan sababo aman darted.
Janaraal Daraawiish oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ee Maamulka KMG ah ee Jubba waxuu tilmaamay in Degreetadaasi ay ka soo baxday Xafiiskiisa islamarkaana loo baahan yahay in Shacaka si deg deg ah ay u fuliyaan Go’aanka ka soo baxay maamulka KMG ah ee Juba.
Shacabka danta yar ee ku Nool Kismaayo ayaa ah kuwa ku Nool Guryo u badan Guryihii hore ee Dowladda Soomaaliya hase ahaatee Mamulka KMG ah Jubba muusan ku fikirin Shacabkaasi halka hoy u naqonayo iyo Halka ay degi doonaan marka laga reebo Wareegtada uu soo saaray.
Shacabka ku dhaqan Kismaayo oo qaarkood la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa qeexay in go’aanka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Aminga ee Maamulka KMG ah ee Jubba uu saameyn weyn ku yeelanayo Noloshooda maadaama ay sheegeen in aysan heysan wax Hooy ah.
Dhawaan ayey aheyd markii Janaraal Daraawiish oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Aminga ee Maamulka KMG ah ee Juba uu sheegay in laga barakaco Xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo Gaar ahaan, Dekada iyo Garoonka Magaaladaa

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...