Sunday 22 June 2014

Dayuuradii ugu horeysay ee Yurub si toos ah uga soo duushay oo Muqdisho

 2014-06-22 15:53:46

Dayuuradii ugu horeysay ee Yurub si toos ah uga soo duushay ayaa daqiiqaddo ka hor soo caga-dhigatay Garoonka Aadan-Cadde ee Magaaladda Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

Diyaaradan oo magaceeda uu yahay SKYGREECE oo Magaaladda Stokhlom ee Caasimadda Sweden ka soo kacday ayaa  isku xiri doonto Soomaaliya iyo Yurub, iyadoo si gaar ah ay socdaal ku tegi doonto wadamada Greece,Britain, Sweden iyo Soomaaliya, waxaana iska kaashaday Ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa ka soo jeeda dalka Greece, taasi oo u jeedku yahay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed laga haqab tiro duulimaadyada ay ku doonayaan inay ku socdaalaan Soomaaliya iyo dunida inteeda kale.


Ugu horeyn mid ka mid ah mas’uuliyiinta diyaaraddan SKYGREECE oo saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in diyaaraddan ay isaga kala gooshi doonto caasimadaha London oo Ingiriiska ah, Athens oo Gariiga ah, Stockholm oo ah caasimadda Sweden iyo caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya.


Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga ay dhiiri gelineyso ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka ka socda.


Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Gaadidka iyo Duulista Hawada Mudane Xirsi Aadan Rooble ayaa tilmaamay in is bedel weyn uu ka muuqdo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo xusay inay soo kordhayaan duulimaadyada caalamiga ah ee ka bilaabanaya gudaha dalka.


Waa horumar la taaban karo oo Soomaaliya  kusoo kordhay in la helo duulimaadyo caalami ah oo ka howl bilaaba dalka waxaana diyaaradda SKYGREECE  ee dalka maanta ka howl bilowday ka horeeyay diyaaradda Turkish Airline oo isku xirta magaalada Muqdisho iyo qaar ka tirsan Wadamada Yurub.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...