Tuesday 24 June 2014

Dowlada iyo isimada Puntland oo soo dhaweeyay heshiiskii madaxda koonfur galbeed Soomaaliya



Posted on June 24, 2014Wararka

RBC RADIO GAROW } Dowlada puntland ayaa soo dhaweysay shirkii magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya Kadhacay ee lagu heshiisiinayay madaxda Maamul goboleedyadii qilaafka kataagnaa ee koonfur galbeed soomaaliya waa maamuladii lixda gobol iyo sedexda gobol.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamad { Quraan Jecel} ayaa maanta Kahadlay heshiiskaasi kedib shir jaraa id oo uu ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Waxa uuna Afhayeenka shirkani jaraa id ku sheegay iney xukuumada puntland soo dhaweyneyso heshiiskii shalay kadhacay Muqdisho isaga oo sheegay in puntland ay xal u aragto midowga labadii dhinac ee isku hayay hogaanka Maamulka Koonfur galbeed soomaaliya oo xaruntiisu tahay Beydhabo .

Waxa uuna afhayeenka intaasi raaciyay in puntland ay dhiiri gelineyso hirgelinta nidaamka federaaliga ah ee dalka.

Dhanka kale isimada Puntladn ayaa Soo dhaweeyay heshiiskii dhex maray Madaxda maamul Goboleedka Koofur galbeed ee soomaaliya .

Afhayeenka isimada Puntladn Garaad Cabdulaahi Cali ciid ayaa Sheegay in ay dhankooda kufarxsanyihiin midowga labada dhinaca isla markaasina ay danta kujirto in leysku raaco sedexda gobol.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa  sheegay in markii horaba ay lixda gobol ay kujireen sedex gobol oo katirsan gobolada uu ka aramiyo Maamulka Kumeel gaarka ah ee Juba.

RBC RADIO GAROW

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...