Saturday 7 June 2014

Maamulka Puntland Oo Soo Dhaweeyay Tallabada Uu Isku Soo Dhiibay Atam


Published on June 7, 2014 by    ·   No Comments  ·   292 views
Madaxwaynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu isku soo dhiibay hogaamiyihii kooxda Alshabab u qaabilsanaa buuraha Galgala ee Gobalka Bari  Maxamed Siciid Atam.
Dr. C/weli Gaas madaxweynaha maamulka Puntland oo ka hadlay isdhiibida Maxamed Siciid Atam ayaa  ku tilmaamay mid wax badan ka badali karta kooxda Alshabab oo hadsa u muuqata inay sii bur burayso.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa is dhiibida Atam ku tilmaamay iney muujineyso taag darrida iyo burburka kooxda Shabaab, wuxuuna soo dhaweeyay tallaabada uu Atam isugu soo dhiibat dowladda.
Howlgallada ciidamada qalabka sida ku baacsanayaan malleeshiyaadka Shabaab ayaa wiiqay awooddii kooxda kadib markii laga faramaroojiyay deegaannadi ay dadka ku dhibaateyn jireen,  wuxuuna Atam ku tilmaamay  horjoogayaasha Shabaab kuwo ka been sheegay Diinta Islaamka.
Tallaabadaan uu qaaday Atam ayaa la rumeysanyahay iney horseedi doonto  iney horjoogayaasha Shabaab ay mid mid isugu soo dhiibaan dowladda.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...