Wednesday 25 June 2014

Muqdisho: Askari ka tirsan ciidamada DFS oo wax caqli ka bax ah u dilay qof

Muqdisho (Caasimada Online) - Askari ka tirsan ciidamada miliriga Soomaaliya ayaa ruux rayid ah oo Karishboy saaka ku dilay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, sidaasi waxaa xaqiijiyay dadka deegaanka.

“Wiilka Kirishboyga waxaa la weydiistay lacag dhan 5,000 “Shan kun” oo Shilin Soomaali ah, isna wuxuu dhiibay 4,000 “Afar Kun” oo sh.so, kadibna askariga wuu diiday isna mahayo ayuu dhahay askarigana wuu dilay”sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in muran ka dhashay lacagtaasi  loo dilay wiilka karishboyga ahaa, maadaama uu ku adkeystay inuu bixinayo lacagtaasi askarigana uu ku adkeystay shan kun.

Gaariga wiilka uu la shaqeynayay ayaa ahaa mid ka dhex shaqeeya inta u dhaxeysa Suuqa Xoolaha iyo isgoyska Baar Ubax, wuxuuna ahaa Caasi ama Homy.

Falkaasi ayaa ka dhacay agagaarka Ex Control Balcad ee magaalada Muqdisho, waxayna layaab ku noqotay shacabka ku dhaqan agagaarka goobta uu falka ka dhacay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...