Wednesday 25 June 2014

) - Ra’isul Wasaare Cabdi Weli iyo Wasiir Goodax ayaa xalay telefoon iskugu hanjabay

Muqdisho (Caasimada Online) - Ra’isul Wasaare Cabdi Weli iyo Wasiir Goodax ayaa xalay telefoon iskugu hanjabay kadib markii Ra’iisul wasaraha ka carooday dhiiranaanta uu Cabdullahi Goodax Barre ku qaadacay qorshahii lagu shaaciyay in sedexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose la aqoonsaday.

Cabdi Weli ayaa Goodax ugu hanjabay inuu xilka qaadis ku sameeyn doono, hase yeeshee Wasiir Goodax wuxuu hogaanka siyaasadda iyo dhaqanka beelaha Hawiye saakay waaberigii u sheegay inuu ugu jawaabay “In leeys bartaan mooday ee hadii aan xil kuu haayay iga qaad, waxaana rabaa inaad hanjabadaas iigu celiso markaan Xamar ku soo laabto, anigoo kula joogo”.

Sida ilo xog ogaal ah oo ka tirsan odayaasha Hawiye ay u sheegeen Caasimada Online, Cabdi Weli wuxuu hanjabaad la mida tan Goodax Barre u diray dhamaan Wasiirada beesha Hawiye ee ka baaqsaday shirkii golaha Wasiiradda iyo shaqooyinkii Wasaaradahooda.

Qeybaha bulshada Hawiye, sida Saraakiisha Ciidamadda, hogaamiyeyaasha dhaqanka, siyaasadda iyo diinta, Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowladda Somalia ugu jira beeshaas ayaa shalay kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay isku raaceen in guud ahaan la joojiyo shaqooyinka dowladda iyo xiriirka lala leeyahay .

Go’aanka intaan la qaadan ka hor waxaa cod loo qaaday in la tago, oo dacwad loo gudbisto iyo inaan lala hadlin guud ahaan, waxaana guuleeystay mooshinkii farayay Shaqaalaha Hawiye ee Dowladda u shaqeeya inaysan tegi karin xafiisyadooda.

Saraakiishii Ciidamadda ayaa go’aankaas kadib waxay guud ahaan ka soo saareen Ciidamadii u dhashay beesha Hawiye kuwaas oo degay Xarumo u gaara, oo ku teedsan Muqdisho ilaa wadooyinka labada Shabeelle.

Beelweynta Hawiye oo sanadkaan sameeyay isku duubni iyo aragti mideeysan oo aan taariikhda looga baran waxay dhinaca kale xalay warqad Wargelin iyo digniin xambaarsan u direen beesha Saraakiisha hogaanka Ciidanka Amisom, waxayna ku wargeliyeen inay beesha Hawiye guud ahaan jartay xiriirkii Dowladda si ay xaquuqdeeda u difaacato.

“Taliska Amisom waxaan ku wargelineynaa inaan maalmaha soo socda qaadi doono talaabooyin aan kula wareegeeyno ammaanka labada Shabelle iyo Muqdisho, sidaas darteed waxaan uga digeeynaa inay Ciidamadiina difaacaan shaqsiyaad wato magac beeleed oo doonaya inay maroorsadaan dhulka beelaha Hawiye” ayaa lagu yiri Qoraalka loo diray Amisom.
Beesha Hawiye waxay Amisom u sheegtay inay diyaar u yihiin dagaalkii lala galay Huwantii Unisom iyo Ciidamadii Mileteriga Ethiopia hadii ay isku dayaan inay difaacaan shaqsiyaad dimbiyo waaweyn oo cadaawad huwan ka galay dadka iyo degaanka Hawiye.

Dad badan ayey ka yaabisay Midnimada iyo isku duubnaanta beelweynta Hawiye si wadajira u muujiyeen waxaana goobaha lagu qaxweeye Muqdisho saakay lagu shaahayaa xiisadda cusub.

Dad badan oo qabyaalad ku taageeri jiray Madaxweyne Xasan ayaa baraha bulshada ku kulmaan ee facebook soo dhigay inuu yahay nin beesha uu ka dhashay ka doortay kursigiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...