Thursday 12 June 2014

Sirta ka dambaysa Weerarka Taleex maxaa kala socotaa

:Qalinkii:Tooshka Wareega ee Sh-Media:

 2014-06-12 15:30:06

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa Culeyska Siyaasadeed ee maalmahan Hargeysa ka heysatay u soo xawilay Degmadda Taleex,isagoo doonaya inuu Xisbigiisa KULMIYE iyo Shacabka Hargeysa oo maalmahan ku kacsanaa inuu ku maaweeliiyo inuu xuduuda Somaliland soo xirayo

Siilaanyo ayaa Taliyaha Ciidamadda Somaliland General Shaqalle amar ku siiyay inuu Ciidamadda Laascaanood ku sugan ee Jufooyinka Bah-Ararsame iyo Jaamac-Siyaad u badan inay gudaha u galaan Degmadda Taleex,iyadoo qarash badan uu  ku baxay weerarkii aan dhiiga ku daadan ee ka dhacay  Degmadda Taleex,waxaana lacagtan tirada badan lagu faraqay oo hawsha u fulay Saraakiil u badan Beesha Dhulbahante oo Calooshood la cayaar ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa qalalaasihii ka heystay Xisbigiisa KULMIYE  doonaya inuu ku sii jeediyo qabsashadda Deegaanka Taleex,waxaana la filayaa arinta Taleex ka taagan inay hakiso mucaaradnimadii Siilaanyo uu Hargeysa maalmahan kala kulmayay,waxaana uu doonayaa Shacabka Hargeysa iyo Somaliland ku dhaqan inuu isaga jeediyo dhankaas iyo Deegaanka Taleex,waxaana fariin culus ay u tahay qabsashadda Taleex ninka ay sida xooga leh Maalmahan Hargeysa isugu hayaan ee Muuse Biixi oo la filayo inuu doorashadda kaga adkaado Oday Siilaanyo oo isagu markii labad Khamaaray kuna guuleystay inuu bahdilaad ku sameeyo Kooxdii Xildhibaan Cali Khaliif ee doonaysay Shir loogu magac-daray (Khaatumo-3)inay ku qabsadaan Deegaanka maanta laga qabsaday.

Xafiiska Shacabkamedia ee Hargeysa ayaa helay xog ku saabsan in qabsashadda Taleex ay Madaxweyne Siilaanyo Guul-Siyaasadeed u tahay uu kula gor-gortami karo siyaasiinta Somaliland,wuxuuna ku rajo-weyn yahay in sanadka dambe mar 2-aad dib loo doorto,maadaama uu Degmadda Taleex markii labaad qabsaday iyadoo aysan dhiig ku daadan.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...