Saturday 30 August 2014

RW Cabdiweli: “Go’aanka Bare Hiiraale uu qaatay, waa mid dhiiri galinaya nabadaynta Jubooyinka” (Dhageyso+Sawirro)


10
Muqdisho [RBC Radio] Xubno ka tirsan Xukuumadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudne Cabdullahi Godax Bare, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Korneyl Barre Aaden Shire Hiiraale ayaa galabta Muqdisho soo gaaray kaddib markii xal laga gaaray khilaafaadkii ka taagnaa Jubbooyinka, lana xareeyay ciidamaddii banaanka magaalada Kismaayo ku sugnaa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Goodax oo saxaafada kula hadlay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ayaa ku tilmaamay go’aanka Bare Hiiraale qaatay mid wax weyn ku soo kordhinaya dib u heshiisinta gobollada Jubooyinka.
“Geesi waxaa ah ninkii nabadda qaata, maanta Barre Hiiraale wuxuu go’aansaday inuu qaato nabadda, markiise horana nabad-diid ma uu san ahayn, laakiin duruufta ayaa dadka kala fogaysay, waxaa bilowday waji cusub oo dadka Jubbooyinku xal uga gaarayaan khilaafaadka dhexdooda ah” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.
“Waxaa bilowday shaqo cusub, waxaa bilowday dib-u-heshiisiin dhab ah oo gobollada Jubooyinka laga sameeyo. Dhawaan ayaan filaynaa inuu furmo shir balaaran oo lagu soo afjarayo khilaafaadkii jiray, waxaa farxad noo ah in xubnihii Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay deegaanadaas in ay guul kusoo dhameeyeen wajigii koowaad ee shaqadii naloo xil-saaray”.
6
Korneyl Barre Aaden Shire (Barre Hiiraale) ayaa dhankiisa sheegay in ciidankiisii lagu xareeyey goobo loo cayimay, bilow fiicana ay u tahay dib u heshiisiinta Jubooyinka
“waxaan u mahadcelinayaa guddigii golaha Wasiirrada iyo IGAD, howlihii nabad raadinta ee Jubbooyinka oo hormuudka u ahaayeen Wasiiradu ayaan la qaadanay, waxaan soo xaraynay ciidamaddii, diyaarna waxaan u nahay inaan dhamaystirno howlaha inta dhiman ee dib-u-heshiisiintu ugu horeyso,
Hoos ka dhageyso hadalka Goodax iyo Barre Hiiraale

00:00
00:00

Waftiga Wasiirada ahaa iyo Bare ayaa waxay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed iyagoona warbixin ka siiyey heerarkii ay soo martay wada xaajoodkii lagu soo afmeerayey in si nabad ah lagu soo xareeyo ciidamadii ku sugnaa goobweyn.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay go’aanka Bare Hiiraale uu qaatay tilaabo wanaagsan iyo guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan dadka Jubooyinka oo colaado iyo khilaafyo ay ragaadiyeen.
” Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo nabad ku wada noolaada. Waqtigii dagaalka waa uu dhammaaday,” ayuu yiri R/Wasaare Cabdiweli oo dhanka kale xusay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo ka shaqaynta nabada iyo xalinta khilaafaadka.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay wadaxaajood loo dhanyahay iyo wadahadal nabadeed in uu yahay wadada kaliya ee xal waara loogu heli karo khilaafkii u dhexeyay dadka dagan Jubbooyinka.
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11
___
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...