Monday 29 August 2016

Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay askar rasaas ku furtay dad shacab ah


 
292
 
0
SHARE 
Muqdisho(SONNA0)-Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka banaadir Kornel Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay Wakaalada wararka soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay qabteen gaari uu lahaa masuul ka tirsan dowladda iyo ilaaladii saarneed gaariga, kuwaas oo xabadeeyay dad shacab ah oo marayay wadada hormarta dekeda Magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Rasaasta ay fureen ilaaladaan ay ku dhaawacmeen dad shacab ah.
“Booliska ayaa ku guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan ilaalada iyo gaariga ay wateen haatana waxaa socda baaritaano ku aadan sababta ka danbaysay inay rasaaseeyaan dad shacab ah,” ayuu yiri taliyaha.
Waxii faah faahin ah kala soco warar keena danbe in shaa alaah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...