Wednesday 24 May 2017

Akhriso Magacada iyo Qabiilada Gudoomiyaasha Cusub ee Degmooyinka G/Banaadir (Majeerteen ayaa kamid ah)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdidsho Taabit Cabdi Maxamed ayaa caawa shaaciyay in uu xilkii ka qaaday 15-kamid ah Gudoomiyaashii Degmooyinka gobolka Banaadir, waxa uuna magacaabay Gudoomiyaal cusub oo bedelaya kuwii hore.

Gudoomiyaaasha loo magacaabay Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa u badan kuwa saaxiib dhaw la ah Duqa Muqdisho oo ka yimid Qurbaha sida dalka Ingiriiska iyo Xubno kaalin weyn ka qaatay ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa xusid mudan in Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood la siiyay beelo aan horey Gudoomiye degmo uga noqon Gobolka Banaadir 26-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana beelahaasi yihiin Daarood gaar ahaan Majeerteen iyo Dir.

Gudoomiyaasha cusub ee Degmooyinka gobolka Banaadir waxaa sidoo kale kamid noqday gabdhihii ugu badnaa ee Noqda Gudoomiye degmo, waxa ayna heleen haweenka in ay Gudoomiye ka noqdaan 5-kamid ah Degmooyinka gobolka Banaadir.

Halkan ka Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Gudoomiyaasha Cusub ee Degmooyinka gobolka Banaadir

1- C/fataax Nuur Cali (Yaanyo) Degmada Kaaraan: Abgaal Reer Mataan

2-Axmed Xasan Maxamuud Degmada Yaaqshiid : Abgaal Cabdalla Caroone

3- Cumar C/llaahi xassan Degmada Wadajir : Abgaal Daa'uud

4-C/wali C/llaahi Maxamed :Degmada Xamar Jajab : Abgaal Warsangali

5- Zainab Yuusuf Wehliye : Degmada Boondheere :Abgaal Waceysle

6-Maxamed Axmed Cantoobo :Degmada Hodan : Habar Gidir Ceyr

7- Rowdo C/llaahi : Degmada Waabari : Habar Gidir Salemaan

8- Zainab Maxamuud Warsame: Degmada Wardhiigley : Habar Gidir Sacad

9-Cabdikariin Cali Kaar :Howl-Wadaag -Murusade -Foor Culus-Habar Maxamed- Hilibi

10- C/wali Nuur faarax Fagalax -Dayniile -Murusade -Foor culus Habar Ceno -Reer Ugaas

11- Basmo Cumar Axmed -Degmada Shangaani -Reer Xamar- Camuudi

12-Cumar Shariif Maye Degmada Xamer-weyne - Reer Xamar Bandhaboow

13- Caafiyo Sheekh Cali Jimcaale :Degmada Shibis- Xawaadle

14-Sharmaarke Maxamed Ladane- Degmada C/casiis- Daaroos Majeereen

15- C/raxmaan Siid Cali -Degmada Dharkeynley -Dir


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...