Tuesday 30 May 2017

Iska hor-imaad Muqdisho ku dhexmaray Ciidan kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya


MUQDISHO(RBC RADIO)Iska hor imaad Kooban ayaa Maanta Xaafada Xaawo Taako ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo ka wadatirsan kuwa Dowladadda Soomaaliya.
Isku dhaca labadan Ciidan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Xasilinta Caasimadda Muqdisho ay isku dayeen iney hub ka dhigis ku sameeyaan Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda oo ku sugnaa Xaafada Xaawo Taako,Ciidamada ayaa ka biyo diiday iney hubka dhigaan waxaana halkaa ka dhacay israsaasayn kooban oo aan wax khasaare ah geysan.
Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay kawaday Magaalada Muqdisho hawlgallo ay hubka kaga aruurinayaan Ciidamada aan qaybta ka ahayn Sugida Amniga Magaalada Muqdisho,Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Suuqa Weyn ee Madiino ayaa hakad galay muddo Saacado ah.
Xaaladda Xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Muqdisho ayaa hada ah mid dagan,Israsaasaynta dhexmartay Ciidanka kawada tirsan kuwa Dowladda ayaa qalqal iyo Cabsi ku abuurtay Shacabka kunool Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Ciidanka Xasilinta Muqdisho oo fulinaya amarkii kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hub aruurin kawada Magaalda Muqdisho.

RBC RADIO

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...