Monday 29 May 2017

Musharax Doorashada dalka Kenya oo loo haysto dambi ah inuu doonayay inuu isdilo

May 29 (Jowhar)—Mid kamid ah Musharaxiinta doonaysay inay ka qeybgasho doorashada Madaxweyne ee dalka Kenya ayaa la soo taagay maanta maxkamad iyadoo lagu soo eedeeyay inuu doonayay inuu isdilo kadib markii uu ku guuldareystey inuu soo buuxiyo shuruudaha uu ugaga mid noqon lahaa musharaxiinta sida rasmiga ah ugu tartamaysa doorashada Madaxweynaha dalka Kenya.
Peter Gichira ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ahaa inuu isku dayay inuu iska soo tuuro dabaqa lixdaad ee dhismaha guddiga doorashada dalka Kenya,waxana lagu soo daayay damiin.
Booliska dalka Kenya ayaa soo qabtay Peter Sabtidii aynu ka soo gudubnay isagoo doonayay inuu iska soo tuuro dabaq dheer kadib markii uu kamid noqday siddeed musharax oo ku guuldareystey inay soo buuxiyaan shuruudaha tartanka doorashada Madaxweyne ee 8 August 2017 ka dhacaysa dalka Kenya.
Mr Gichira oo ah siyaasi aan waxbadan laga aqoon ayaa soo buuxin waayay mid ka mid ah shuruudaha laga doonayay inuu soo buuxiyo musharaxa Madaxweynaha oo ah inuu keeno saxiixyada 2,000 oo ruux kuwaasoo aan xisbina ka tirsanayn 24 kamid ah 47da gobol ee dalka Kenya.
Doorashada Madaxweynaha dalka Kenya ayaa la filayaa in ay si weyn ugu tartamaan Madaxweynaha haatan talada haya Uhuru Kenyatta kaasoo markii labaad raadinaya in la doorto iyo hogaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga oo markiisii afaraad u tartamaya madaxtinimada dalka Kenya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...