Wednesday 31 May 2017

Xaaladda Barakacayaasha kunool duleedka Muqdisho oo laga dayrinayo & eedeyn loo jeediyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir


MUQDISHO(RBC RADIO)Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed iyo Madaxda kale ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyey iney dayeceen Barakacayaasha ku dhibaataysan duleedyada Magaalada Muqdisho.
Cismaan Axmed Cali Garyare Gudoomiyaha deegaanka Garasbaalleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalda Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed uu ka gaabiyey wax u qabashada kumanaanka Qoys ee soo Barakacay ee ku dhibaataysan Muqdisho iyo hareeraheeda.
“Gudoomiyaha Gobolkoow Masuuliyaddu aday ku saaran tahay,dadkaagii Xaqiiqatan waad dayacday,hadii ay kula tahay inaan dadkan Aakhiro wax lagaa waydiineen Adaa lagu su’aalayaa,Waxaan leenahay Ummadan dhibaataysan,Carruurtan rafaadsan cid usoo gurmatay ma jirto waxaan leenahay dadkan halaga soo gaaro”ayuu yiri Cismaan Axmed Cali Garyare.
Wuxuuna sidoo kale ugu baaqay Madaxda ugu saraysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ineysan iloobin Kitaabkii ay ku dhaarteen isla markaane ay wax u qabtaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan,Garyare oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Qoysaska Barakacayaasha ah ee kunool duleedka Muqdisho iney fara ba’an ku hayaan Cudurada Shuban Biyoodka iyo Jadeecada.

RBC RADIO

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...