Friday 2 June 2017

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Qatar

June 02 (Jowhar)— Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa xalay  u ambabaxay dalka Qadar, maalin kaddib magacaabidiisa, iyadoo safarkiisa ay ka soo baxayaan warar kala duwan.
Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Mr Fahad uu xalay ka dhoofay Nairobi, halkaasoo uu gaaray maalintii la magacaabay, waxaa la sheegayaa in sababaha uu Qadar ugu aaday ay tahay inuu iska soo casilo ama ka uqseysto xubinimadiisa Xarunta Dhexe ee Telefishinka Al-Jazeera ee fadhigiisu yahay magaalda Doxa.
Mr Fahad Yaasiin ayaa horay madax uga soo qeybday qeybta Wararka Telefishinka Al Jazeera ee Soomaaliya, waxaana markii dambe uu ka mid noqday Xarunta Dhexe ee Telefishinka qeybtiisa Carabiga oo la sheegay inuu cilmi baare ka ahaa.
Fahad Yaasiin ayaa shantii sano ee la soo dhaafay saameyn ku lahaa siyaasada Soomaaliya, isagoo aan inta badan fagaarayaasha lagu arki jirin, balse waxaa markii u horeysay uu ka soo muuqday Liiskii Golihii Wasiirada ee uu magacaabay Cumar C/rashiid horaantii sanadkii 2015, inkastoo liiskaas markii dambe laga noqday.
Waxaa la rumeysan inuu isku xir ka ahaa xiriiro dhex maray dowladdii hore iyo Qatar, sidoo kale waxaa la sheegaa inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay in Qatar iyo Madaxweyne Farmaajo isku xirmaan.
Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa inuu xilka Agaasinka Guud ee Madaxtooyada la wareego, waxaana Mr Fahad hortaala howlo adag oo ay ugu weyn tahay is bedelo uu ku sameeyo waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...