Friday 2 June 2017

Axmed Daaci “Hub ka dhigista in hal gobol kaliya la bartilmaameedsado, sax ma ahan”

June 02 (Jowhar)— Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa ka hor-yimid qaabka uu u socdo howlgalada hub ka dhigista ee ka socda magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in hal gobol kaliya la bartilmaameedsanayo.
Axmed Daaci oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu tilmaamay in marka hore loo baahan yahay in cadawga la wiiqo, hubkana laga dhigo, kaddibna hub ka dhigis laga sameeyo gobolada oo dhan.
“Marka hore hub ka dhigis waa fiican tahay, waa in Cadawga hubka laga dhiigaa, oo la wiiqaa, kaddibna tuug saqajaan iyo burcada hubka laga dhigo, laakiin in hubka in laga bilaabo dadkii cadawga bartilmaameedsanayay ama siyaasiyiinta taas sax ma ahan”ayuu yiri Axmed Daaci.
Waxaa uu sheegay in hub ka dhigista ay ka socoto kaliya Hal Gobol, oo aan gobolada kale la qabin, isagoo xusay in arrintan ay ujeedo gaar ah u arkaan.
Axmed Daaci ayaa sheegay in hub ka dhigista maalmahan ka socota Muqdisho uu yahay mid dowladda dhexdeeda hubka iska dhigeyso, oo aan shacab iyo dad kale la aadeyn sida uu hadalka u dhigay.
“Waa ogtihiin markii Madaxweynaha la dooranayay sida loo soo dhoweeyay, laakiin ma aheyn waxa laga sugayay in Cadawga dadka sacbooley looga dhigo. marka hore waa in cadawga la xoreeyo, laakiin iyadoo cadawga la xoreyn miyaa cadawga loo xoreynaa”ayuu yiri Axmed Daaci.
Axmed Daaci ayaa sheegay in beryahan dadka hubka laga dhigayay ay u badnaayeen ciidamada milateriga ee ka yimid shaqooyinkooda ama u socday, waxaana uu wax lala yaabo ku tilmaamay in askari dowladeed ee hubka laga dhigayo, kii Shabaabna hubka heysto, hadhowna uu askarigii oo sacbooley ku dilayo.
“Beryahan waxa hubka laga dhigayay waa ciidamadii shaqooyinka ka yimid ama u socday, laakiin nin qorigiisa ku gambanayo, in qoriga laga qaado, shabaabkana uu qori heysto wallee maaha isaga hala gowraco”ayuu si kulul u yiri Axmed Daaci.
Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa ka hor-yimid howl galada hub ka dhigista, waxaa ay sheegeen in ciidankooda kaliya lagu bartilmaameedsanayo, iyagoo xusay in ciidamo hubka laga dhigay markii dambe la dilay.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday howl gallo ay wadeen ciidamo wadajir ah oo loogu magac daray ciidanka xasilinta Muqdisho, waxaana jiray iska hor imaadyo ka dhashay howl galka hub ka dhigis oo dhimasho iyo dhaawac sababay

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...