Monday 5 June 2017

Booliska Jubbaland oo ka hadlay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo


by master Monday, Jun 5, 2017 | 972 views
June 05 (Jowhar)— Saraakiisha ciidamada booliska ee maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay qarax ka dhacay saldhiga booliska ee magaalada Kismaayo.
Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay mid kamid ah ciidamada booliska, waxaana ku dhawaacmay inka badan 8 askari oo booliska kamid ah, sida Jubbaland masuuliyiin u hadlay ay sheegeen.
Afhayeenka ciidamada booliska ee Jubbaland ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid waxyeelo ay kasoo gaartay ciidamada booliska ee xiligaasi ku sugnaa saldhiga magaalada Kismaayo.
Jaamac Axmed Xasan oo u hadlay ciidamada booliska ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay dhabarka dambe ee saldhiga ciidamada booliska, waxaana uu sheegay in dad rayid ah ku dhaawacmeen.
Ciidamada booliska ayuu sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan qaabka qaraxa loo dhigay dhabarka dambe ee saldhiga booliska.
Wararka madaxa banaan ee laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in askariga ku dhintay qaraxa uu ahaa sarkaal ka mid ah ciidamada booliska ee magaalada Kismaayo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...