Tuesday 13 June 2017

Daawo Sawirada: Toogasho ka dhacday Goob Tareenada laga raaco oo kutaala Jarmalka

Nin aan wali heebtiisa la shaacin ayaa Biskoolad ay heesatay ka dafay gabar askariyad ah oo katirsan booliiska Jarmalka, waxaana gabadhan booliiska katirsan ay xiligaasi ku sugneed goob tareenada laga raaco oo kutaala magalaada Munich.

Warbaahinta Jarmalka ayaa baahiyay in Madaxa uu ka toogtay ninka Biskoolada dafay gabadha askariyada ah, waxaana dhaawac culus uu soo gaaray gabadha booliiska katirsan halka labo qof oo kalana uu weerarkaasi kasoo gaaray dhaawacyo fudud.

Ciidamada booliiska ayaa toogasho ku dhaawacay ninka ka dambeeyay weerarkan ka dhacay boosteejada tareennada laga raaco ee Unterföhring S-Bahn , waxaana booliiska baaritaano ku wadaan ninka toogashada ka dambeeyay oon wali magaciisa aan la shaacin.

Waxaa si deg deg ah loo xiray xarunta tareenada laga raaco uu ka dhacay weerarka, waxaana halkaasi la geeyay ciidamo aad u badan oo xaqiijinaya amaanka, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in aysan jirin halis badan oo ku aadan in weerar kale uu halkaasi ka dhaci kara.

Booliiska Jarmalka wali ma shaacin toogashadan ka dhacday magaalada Munich in ay tahay fal argagaxiso iyo in kale, waxa ayna sheegeen Saraakiil u hadashay booliiska in ay socdaan baaritaano ku aadan dhacadan ayna dib ka faah faahin doonaan.








Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...