Thursday 15 June 2017

(Daawo Sawirro) Dib u dhis ka socda mid ka mid ah jidadkii ugu burburka & boholaha badnaa Muqdisho



Inkastoo magaalada Muqdisho ay mararka qaarkood ka dhacaan qaraxyo iyo weeraro dad badan ku dhintaan ayaa haddana dhinaca kale waxaa magaalada waxa ka socda horumaro kala duwan iyo mashaariic dib u dhis ah.

Wadada Soddonka oo ka mid ah wadooyinkii ugu burburka iyo boholaha badnaa Muqdisho ayaa waxaa ka socda dib u dhis xoogan oo lagu soo celinayo bilicdii ay wadadaas lahaan jirtay.

Jidka sodonka ayaa ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho ee sii mara degmooyin badan, waxayna xiriirsan tahay inta u dhexeysa Ex-warshadii caanaha ee degmada Hodan illaa isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid.

Raisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhowaan dhagax dhigay dhismahada wadadan oo ay ku baxayso malaayiin dollar.

Shirkad maxali ah ayaa qandaraas lagu siiyey dib u dhiska wadadan oo laga soo bilaabay dhinaca Ex-warshadii caanaha, haatana soo gaaray Isgoyska Al-baraka, iyadoo dhismaha Marsho-biyeediga wadadana uu marayo isgoyska xiga ee Black Sea, dhowaan ayaa la filayaa in la soo gebagebeeyo dhismaheeda xarigana laga jaro, waxayna ka mid noqoneysaa wadooyin badan oo dib u dhis lagu sameeyey sanadihii la soo dhaafay.





Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...