Thursday 8 June 2017

Faah Faahino kasoo baxaya Shan qof oo xalay lagu dilay Deegaanka Xawaadley

Wararka ka imaanaya Deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in xalay rasaas xoogan lagu furay gaari qudaar ka qaaday deegaankaasi kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa la sheegay iun xalay Saqdii dhaxe xili uu Muqdisho kusii jeeday rasaas xoohan la huwiyay, waxaana rasaastaasi ku dhintay inta la ogyahay shan qof oo kamid ahaa dadkii gaariga saarnaa.

Dadka geeriyooday waxaa ku jira darawalkii wada gaariga rasaasta lagu furay iyo dad kale oo rakaab ah, waxaana wali la aqoonsan dableydii ka dambeysay rasaastan dadka badan lagu dilay.

Maamulka gobolka Shabeelaha Dhaxe ayana wali ka hadlin weerarka dadka badan lagu dilay, waxaana cabsi lasoo daristay beeraleyda gobolka Shabeelaha Dhaxe oo inta badan qudaarta xiliyada Habeenkii Muqdisho usoo qaada. 


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...