Sunday 4 June 2017

Faarax Macalim oo sheegay in Kenya u diyaarsaneyn la dagaalanka Al-Shabaab (Warbixin)


                                             Guddoomiye ku xigeenkii hore ee barlamaanka Kenya Faarax Macalim.
NAIROBI (RBC Radio)  Guddoomiye ku xigeenkii hore ee barlamaanka dalka Kenya Faarax Macalim Dawaare ayaa walaac ka muujiyay weerarada qaraxda ee Al-Shabaab ka geysato dalka Kenya oo dhowaanahan soo badanay, gaar ahaan deegaanada dhaca soohdinta Soomaaliya iyo Kenya.
Faarax Macalim, oo markale u tartamaya sannadkan ka qeybgalka doorashada baarlamaanka ee dalka Kenya, ayaa dhaliilay qaabka ay ciidamada amaanka Kenya u fuliyaan ka hortagga hawlgallada kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in ciidamada Kenya aanay u diyaarsanayn ka hortagida Al-Shabaab.
“Waxaa nasiib darro ah in weli ay dalkan kadhacayaan weeraro ay dad ku dhimanayaan.” Ayuu yiri Faarax Macalim oo wariyaasha kula hadlay magaalada Gaarisa.
Magaalooyinka Gaarisa, Mandhera iyo Lamu oo dhammaantoodba ku dhow soohdinta Soomaaliya ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay weeraro qaraxyo iyo dilal toos ah oo ay geysatay kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo ay ku dhinteen illaa 39 ruux meelo kala duwan, 18 ka midna ay ahaayeen askar ka tirsan booliska dalka Kenya oo gawaari ay la socdeen loo dhigay miinooyin kuwa dhulka lagu aaso ah laga soo bilaabo 16-kii bishii hore ee May.
“Qaabka ay ciidamada dalkan u wajahayaan dagaalka ka dhanka kooxaha argagixisada waa mid ay ka maqan tahay wixii loo baahnaa.” Ayuu yiri Faarax oo hadda ka tirsan xibiga Wiper ee mucaaradka ah.
DHEXGALKA DEEGAANKA
Wuxuu tilmaamay in kooxda Al-Shabaab ay duurka ku dhuuntaan iyagoo adeegsanaya geel, dameero iyo gaadiid ay hawdka la maraan, balse nasiibdarro ciidamada Kenyaaysan lahayn qorshe ay noocaasi oo kale Al-Shabaab ugula dagaalami karto.
“Arrinta kale ee muhiimka ah waxay tahay, waxay ahayd in dadka xoolo dhaqatada ee geela, lo’da iyo ariga dhaqda in loo tababaro sidii ay xogta u soo siin lahaayeen ciidamada.” Ayuu sii raaciyay.
Faarax Macalim ayaa tacsi u diray dadka ay eheladooda ku dhinteen weeraradii u danbeeyay.
Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo maalmo un ka hor ay ahayd markii saraakiil hore oo booliska Kenya iyo kuwa hadda shaqada ku jira ay ku eedeeyeen dad u dhashay dalka Kenya inay ku lug leeyihiin abaabulka iyo fulinta weerarada kooxda Al-Shabaab ka geysato gudaha Kenya.
Xiriiriyaha amaanka ee dawlada Kenya u qaabilsan gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay inaysan jirin Al-Shabaab ka yimaada dhanka Soomaaliya oo keligood weeraro ka geysta Kenya, isagoo sheegay inay jiraan dad Kenyan ah oo gudaha kala shaqeeya kooxda mintidka ah si ay hawlgaladooda uga fuliyaan gudaha Kenya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...