Sunday 11 June 2017

Ganacsade saaka lagu dilay suuq ku yaal magaalada Muqdisho

June 11 (Jowhar)— Kooxo bastoolad ku hubeysan ayaa saaka suuqa beerta ee degmada Waaberi ku dilay Nin Ganacsade ah oo ka mid ahaa Sarifle.
Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Axmadey Garfiiq ayaa waxaa lagu dilay goobtiisa shaqo, iyadoo raggii dilka ka dambeeyay ay baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta dilka uu ka dhacay gaaray, iyagoo sameeyay baaritaano kooban iyo su’aalo ay dadka weydiiyeen, inkastoo aysan qofna soo qaban, maadaama raggii dilka geystay ay horay u baxsadeen.
Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay illaa saddex ruux oo mid ka mid ah uu ahaa askariga ciidanka deegaanka ee qaabilsan canshuur uruurinta.
Tan iyo markii la galay bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa sare u kacay dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan rag ku hubeysan bastoolado, mana jirto cid loo soo qabtay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...