Monday 5 June 2017

Hub ka Dhigista ka Socota Muqdisho iyo Saameynta xoogan ee reebtay (Warbixin Xiiso Badan)

“Mar baan eegay waddooyinka Muqdisho ,,maalmo ka hor wixii jiray maanta ma jiraan..qorigii la iigu soo taagi jiray ma jiro,,,,wadadii dhinacii la doono gaariga hubeysan uu ka mari jiray ma jirto…rasaastii wadada lagu furan jiray ma jirto..dhashiikihii gaariga dushiisa laga wiifin jira ee gaandharigu ku xarragoon jiaray maanta ma jirto.” Ayuu ii sheegay Ow Maxamed Axmed Qooxle oo ah oday waayo u jog ahaa oo ah Muqdisho aan ku wada sheekeysaneynay Goob lagu caweeyo Habeenkii oo ku taala Magaalada Muqdisho.

Waxaan ku fekeray hub ka dhigista ku bilaabatay qoryaha waddooyinka lagu wato oo la ururiyo oo hadana noqotay hub ka dhigis qeylada ka dhammeysay qabaa’il iyo rag hore rag u ahaa oo la yiqiin waxay ahaayeen oo haatan sheegay in loogu goodinayo hubka dhig.

Doodda ragga noocaas ah waxay tahay “ Haddii aan hore ugu lug yeelanay isku dhacyo laga istaaqfuruleystay….ha ahaadeen kuwo beeleed,,xaafadeed ama kooxeed ..haatanna ay noo rahmaneyd iska caabinta rag dagaalkooda faraha looga gubtay siiba al shabaab …hub ka dhigistani ma is beylih baa ?”

Cuqdada qabaa’ilka ayaa qarasteedu soo kackaceysaa ka dib markii hub ururintii isu bedeshay hub ka dhigis aan lagu talagelin waxayna dadka qaar dhaliisheeda ka soo bilaabayaan “Yaa wada…yaa ka dambeeya,,,yaa lagala tashay….hubka ma Muqdisho oo keliya ayaa laga dhigayaa…gobolada ama ismaamulada kale ..maxaa dib loo dhigayaa”

Hub ka dhigistan ma heysataa sharciyad ..lagu fuliyo …ma martay baarlamaanka …si isu dheelli tiran ma u habeysan tahay …ayaa ah su’aalaha ugu badan ee la is weydiinayo iyadoo la og yahay in Soomaaliya ay ka suurtagali weyday hub ka dhigis sanadii 1993 iyadoo dalka ay ku sugnaayen ciidamo ka socda in ka badan 32 dal……

Siyaasiyiin, odayaal qabaa’il iyo madax ciidan ayaa daldaloolo ka sheegaya arrintan oo qaarkood ay leeyihiin waxay mar kale curin kartaa is aaminaad la’aan dhinaca qabaa’ilka …..”Haddii la bilaabay in baadiyaha loola cararo hubka Muqdishana lagala cararo…..waa faa’ido kale “ ayuu yiri Farxaan Cabdi oo ka mid ah dhallinyarada Muqdisho oo isna sheekada nala wadaagay.

“Ugu yaraan Muqdisho nafis ayey heleysaa waana tan aan toddobaadyadan dareemeyno oo ah xasilooni yar oo lagu arkayo caasimadda “ ayuuna yiri.

“ Dadku meel daran ayey wax ka fiirinayaan …waxay soo qaadanayaan cadaawaddii hore ….iyo siday qabaa’ilku isaga horjeedeen ..waxayna isku dayayaan in ay ku dabaqaan Framaajo…Kheyre ..Caanood iyo Sambalooshe…sidaasey u qallocinayaan hub ka dhigista .iyagoo doonaya in ay ay qallocato ..oo qalloociyaan.

Waxay ku dhahayaan Puntland,,iyo GalMudug…Muqdisho maxay kaga duwan tahay marka la eego Hub ka dhigista …..wxay leeyihiin Muqdisho oo aan maqam laheyn hadana maxaa dhulka loogu sii jiidayaa …..dadkeeda oo keliya miyaa hub ka dhigistu ku waajibtaa…

Hub Ka dhigista ,,,waa wanaagsan tahay hadana shakigigeeda iyo is aaamin la’aanteeda ayey leedahay..waa balaayo loo baahan yahay.

C/fitaax Macalin Nuur Qeys
fitaaxqeys@gmail.com


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...