Monday 5 June 2017

Maxkamad la soo taagay maanta askar loo haysto dilkii Wasiirka Howlaha Guud

June 05 (Jowhar)—Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heestay labo askari oo katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya, kuwaas oo loo heestay dilkii Muqdisho loogu geestay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Cabaas Sheekh C/llaahi Siraaji.
Labada askari ee maanta lasoo taagay Maxkamada ciidanka Qalanka sida oo kamid ahaa ilaalada Hanti Dhowrihii Qaranka Dr Nuur Faarax ayaa lagu kala magacaabaa Dable Xooga Axmed Cabdulaahi Cabdi Ceydiid iyo Sadex Alifle Ciidanka Asluubta  Cusmaan Salaad Barre.
Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale la horkeenay saraakiil katirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo habeenkii dilka dhacayay shaqada ku jiray iyo sidoo kale saraakiil katirsan laanta dambi baarista kuwaas oo wax laga weediinayay sida uu dilku u dhacay.
Dood dheer iyo su’aala weydiin kadib ayaa garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxa ay xeer ilaalinta ciidamada ka dalbadeen inay keenaan cadeymo dheeri ah, sidoo kale qareenada difaacayay eedeysanayaasha loo heysto kiiska dilka ah ayaa iyagane codsaday in maxkamadda dib loogu dhigo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...