Thursday 8 June 2017

Nin ka tirsanaa ergooyinkii soo doortay xildhibaanada oo goor dhow Muqdisho lagu dilay

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa maqribkii ku toogtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir nin ka tirsanaa ergooyinkii soo doortay xildhibaanada baarlamanka Somalia.

Axmedey Barre oo ka mid ahaa ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada Baarlamanka Somalia ee ka soo jeeda degaanada Hirshabelle ayaa waxaa lagu dilay agagaarka hotel Garguurte oo ku yaalla degmada Yaaqshiid.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in marxuumku uu isla goobtaas ku qurbaxay markii rasaastii lala dhacay ay ka soo gaareen dhaawacyo halis ah, iyadoo kooxihii ka dambeeyey dilkaas ay goobta baxsadeen.

Ergooyin fara badan oo ka tirsanaa kuwii xarumaha dowlad goboleedyada dalka ku soo doortay xildhibaanada Baarlamanka ayaa siyaabo kala duwan bilihii la soo dhaafay loogu dilay magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka.

Al-shabaab oo la'aaminsan yahay iney ka dambeyso dilalkan ayaa horey ugu hanjabtay iney beegsan doonaan cidii ka qeyb qaadata doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Somalia. 



Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...