Sunday 11 June 2017

Puntland oo sheegtay in 25 dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku dishay Buuraha Galgala

une 11 (Jowhar)— Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen buuraha Galgala, kaddib weerar ay ku qaadeen.
Taliyaha Ciidamada Daraaawiishta Puntland Jen. Saciid Dheere ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen buuraha Galgala, ayna ku khaarijiyeen illaa 25 dagaalyahan.
Waxaa uu sheegay in dagaalyahanada ay dileen ay ku jiraan Saraakiil, waxaa uu intaa ku daray in howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab uu si xooggan u socdo.
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana uu amar ku siiyay ciidamada inay qaadaan weerarka.
Ciidamada Puntland ayaa ka jawaabaya weerarkii maalmo ka hor Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada ee deegaanka Af-urur, halkaasoo lagu dilay illaa 50 askari ka tirsan ciidamada Puntland.
Weerarkan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara ciidamada Puntland, inta uu bilowday dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab sanadkii 2010.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...