Monday 5 June 2017

Wasiiradii ugu badnaa Xukuumadda Soomaaliya oo tagaya Sacuudiga

June 05 (Jowhar)— Wasiiradii ugu badnaa ee ka socda Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta arbacada ah ee soo socota ay u ambabaxaan dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Tirada Wasiirada aadaya Sacuudiga oo gaaraya illaa 7 Wasiir ayaa dhiggooda Sacuudiga la soo saxiixanaya heshiisyo kala duwan oo ay ugu weyn tahay mashaariic Sacuudiga ka fulinayo Soomaaliya.
Sacuudiga ayaa Soomaaliya ugu deeqaya lacag gaareysa 4 bilyan oo dollar, kuwaasoo lagu fulinayo mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo Soomaaliya, kuwaasoo dhowr nuuc isugu jira.
Madaxweynaha Soomaaliya oo dhowaan labo jeer safar ku tagay Sacuudi Carabiya ayaa Boqorka dalkaas kala hadlay taageero ay siiyaan Soomaaliya.
Safarka Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ku tagayaan dalka Sacuudiga Carabiya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxreyn ay xiriirka u jareen dowladda Qadar.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...