Sunday 11 June 2017

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar oo soo gaaray Muqdisho

June 11 (Jowhar)— Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi  ayaa socdaal lama filaan ah ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, isagoo kulamo la leh madaxda dowladda.
Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xilligan kulan la leh Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Wasiiru dowlaha Qatar uu sidoo kale la kulmi doono Madaxweyne Farmaajo, si uu ugu mahad celiyo go’aanka ay qaadatay dowladda Federaalka ee ku aadan inay dhex dhexaad ka noqoto xiisada siyaasadeed ee dowladdaha Khaliijka.
Soomaaliya ayaa haatan ku dhex dhacday xaalada siyaasadeed ee Khaliijka, iyadoo ay heysato labo daran mid dooro, iyadoo Qatar ay saaxib dhow la tahay shaqsiyaad ku dhow Madaxweyne Farmaajo, halka Sacuudigana uu ku adkeysanayo hadii aysan xiriirka u jarin in uusan dhaqaalihii u balan qaaday siin doonin.
Dowladda Qatar ayaa la kulmeysa cadaadis weyn, tan iyo markii xulafada uu Sacuudiga hoggaamiyo ay xiriirka u jareen, isla markaana la geliyay go’doomin dhanka ganacsiga, lagana xirtay hawada, badda iyo dhulka.
Qatar ayaa hada isticmaaleysa Hawada Soomaaliya, kaddib markii wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay hawada ka xirteen
Lama oga saameynta arrintan ku yeelan karto dowladda Federaalka imaatinka Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Qatar, iyadoo Sacuudiga xilligan u muuqdo mid ku cadaadinaya dowladda Soomaaliya inay xiriirka u jarto Qatar.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...