Monday 5 June 2017

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Jowhar iyo faahfaahino ka soo baxaya

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacantay ka dib markii galinkii dambe ee maanta qarax miino lagu beegsaday duleedka magaalada Jowhar.

Askartan ayaa la socotay gaari ciidan xili ay marayeen degaan lagu magacaabo Kili Maseyrow oo qiyaastii 15-km dhinaca koonfureed kaga beegan Jowhar.

Qaraxa ayaa laga maqlay magaalada Jowhar, sida ay sheegen dadka magaaladaas ku dhaqan wuxuuna ahaa mid aad u xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada qaraxa lala beegsaday, ayaa ka yimid magaalada Muqdisho, waxayna ku soo jeedeen magaalada Jowhar.

Saraakiisha dowladda gobolka Shabeellaha Dhexe kama hadlin qaraxa ciidamada lala beegsaday oo masuuliyadiisa ay sheegatay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...