Thursday 8 June 2017

Xildhibaano Hub u iibinaya Shacab si ay isaga Difaacaan Kooxda Al Shabaab

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka dalka Kenya gaar ahaan kuwa laga soo doortay Waqooyi bari dalkaasi ayaa shaaca ka qaaday in ay hub u iibinayaan shacabka kunool Deegaanada Waqooyi bari si ay isaga difaacaan qatarta uga imaaneysa Kooxda Al Shabaab.

Qaar kamid ah Xildhibaanadan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada ay dayacday amaanka dadka kunool gobolka Waqooyi bari oo xiligan dareemaya xaalad cabsi ah oo ku aadan in weeraro uga yimaado kooxda Al Shabaab.

Xildhibaan Bare Shiil oo kamid ah Xildhibaanada laga soo doortay gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in muhiim tahay in shacabka hub u iibiyaan si ay isaga difaacaan Kooxda Al Shabaab oo kordhisay weerarada ay ka geesaneyso gobolka.


Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Dowlada ku fashilanay in ay difaacyo shacabka ku nool gobolka Waqooyi bari Kenya, waxa uuna intaa raaciyay in ay wadaan qorshe ay hub ugu iibinayaan shacabka si ay isaga difaacaan weerarada Al Shabaab.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weeraro isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah ka geesta deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, waxaana weerarkii ugu dambeeyay lagu qarxiyay gaari ay la soceeen afar qof oo katirsan Shaqaalaha Gar gaarka kuwaa oo dhamaan geeriyooday.


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...