Friday 2 June 2017

XOG:Xiisad ka dhalatay Nin Ganacsade ah oo la xiray oo ka taagan Degmada Baardheere


BAARDHEERE(RBC RADIO)Wararka ka imaanaya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya iney halkaasi ka taagan tahay Xiisad ka dhalatay Nin Ganacsade ah oo ay xireen Maamulka Degmada Baardheere.
Ninkan la xiray oo ah Gudoomiyaha Ganacsatada Degmada Baardheere ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu kulan duleedka Degmada Baardheere kula qaatay Saraakiil ka tirsan Kooxda Al-shabaab sida ay sheegayaan Masuuliyiinta Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Xuseen Cabdi Xalane Xoghayaha Arimaha Bulshada Degmada Baardheere ayaa sheegay in Ninka la xiray loo haysto kulan qarsoodi ah oo uu Al-shabaab kula galay deegaanka Caanoole ee duleedka Degmada Baardheere.
Xoghayaha Arimaha Bulshada  Degmada Baardheere ayaa tilmaamay iney ku haystaan Ninkan Ganacsadaha ah sababta uu ula kulmay Al-shababaab,wuxuuna tilmaamay iney ku tuhunsan yihiin inuu dhanka dhaqaalaha ka taageerayo Al-shababaab,wuxuuna tilmaamay inuu la kulmay Al-shabaab isaga oo aan soo wargalin Maamulka kajira Degmada Baardheere.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sidoo kale la xiray 6 qof oo iskugu jira Ganacsato iyo Odayaal dhaqameed ku eedeysan iney Ninkan la ogaayeen kulanka uu la qaatay Al-shabaab.

RBC RADIO

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...